Sabti, December 27, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in duleedka Degmadaas uu saaka dagaal ka dhacay, iyadoo dagaalkaasna uu u dhaxeeyo Xoogagga Al-Shabaab iyo Xoogag kale oo ka tirsan Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.
Dagaalkan ayaa wuxuu la xiriiraa dagaallo horay Degmada Guriceel ugu dhexmaray labada dhinac, iyadoo dagaallo midkan ka horeeyay ay ku itaal roonaadeen Xoogagga Al-Shabaab.
Dagaalkan ayaa wuxuu saameeyay dadka ku dhaqan nawaaxiga halka ay dirirta ka dhacay oo ah Tuulo lagu magacaabo Gaban, waxaana tuuladaas gebi ahaanba isaga cararay dad reer miyi ah oo ku sugan.
Ilaa iyo haatan laga oga khasaaraha uu dagaalkan geystay, waxaase la filayaa in saacadaha soo socda ay ka soo baxaan warar dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha dagaalka iyo weliba rasmi ahaan waxa uu salka ku hayo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia