Sabti, December 27, 2008(HOL): Hay’adaha DRC UNICEF iyo WFP ayaa maanta raashin qaybin ka bilaabay xaafadaha kala duwan ee ku yaala duleedka magaalada Boosaaso, iyadoo ay jireen ay waqtiyadii ugu danbaysay cabasho aad u baahsan oo ka soo yeeraysa dadka ku dhaqan xeryaha qaxootiyada ee ku yaala Boosaaso.
Raashin qaybintaan ayaa socon doonta muddo Asbuuc ah, waxaana raashinka loogu talagalay todobo xaafadood oo ay ku nool yihiin dad dan-yar ah, iyadoo gawaari nooca xamuulka ahaa la soo dhoobay xaafadda Boqolka Buush si rarka saaran looga dajiyo ,isla markaana loogu qaybiyo Dadkaas dan-yarta ah.
Qoysaska loo qaybiyay raashinkaan ayaa kor u dhaafayay 500 oo qoys, iyadoo qoys walba uu watay kaar aqoonsi ah si raashinka lagu siiyo, waxaana goobta joogay ciidamo ka tirsan kuwa degmada si aysan u dhicin rabshado ka dhasha raashinkaasi.
Inkastoo aysan ahayn markii ugu horaysay oo raashin caynkaan oo kale ah loo qaybiyo qaxootiyada Boosaaso ayaa hadana waxaa soo baxayay Baahiyo iyo eedaymo ka soo baxaya barakacayaasha qaarkood oo ku doodaya in la baal mariyay qaybo ka mid ah raashinka ay hay’aduhu ugu talagaleen dadka soo barakacay.
Inta badan dadka ku dhaqan xeryaha qaxootiyada ee magaalada Boosaso ayaa codsanaya in gargaarka loo kordhiyo, iyadoo marka aad booqato goobaha ay dagan yihiin dadka soo barakacay aad ku arkayso nolol aad u liidata, mana jirin waqtiyadii ugu dambaysay wax gar gaar ah oo la gaarsiiyay marka laga reebo raashinkan loo qaybiyay.
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso, Somalia