Qarax Waxyeello geystay oo Ciidamo Itoobiyaan ah lagula eegtay Degmada Afgooye

Cabirka Farta

Sabti, December 27, 2008(HOL): Qarax loo adeegsaday Miinada Dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago ayaa saaka waxaa lala eegtay Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan gudaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxan oo ahaa mid xooggan ayaa Ciidamada lala eegtay waxaa ka soo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, iyadoo xiliga qaraxa lala beegsanayayna ay ku sugnaayeen nawaaxiga Suuqa Xoolaha ee Degmada Afgooye.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ayaa daqiiqado kadib markii uu qaraxa dhacay waxa ay tageen goobtii qaraxa ka dhacay, waxayna hakad geliyeen gebi ahaanba isu socodka dadka iyo gaadiidka ee Degmada Afgooye.

Sida ay wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ay sheegayaan Ciidamada Itoobiya ayaa markii qaraxa lala eeganayay waxay ku sii jeedeen fariisin ay ku leeyihiin Degmada Afgooye, waxayna socdeen nawaaxiga Suuqa Xoolaha.

Ma ahan qaraxii ugu horeeyay oo Ciidamada Itoobiya lagula beegsado Degmada Afgooye, waxaana jiray qarax horay loola beegsaday iyagoo socod ku marayay gudaha Degmada Afgooye.

Qaraxan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo si weyn looga hadal hayo Soomaaliya in Ciidamada Itoobiyaanka ay ka baxaan meelaha ay Soomaaliya ka joogaan inta ka horeysa 5-ta bisha Janaayo ee soo socota.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia