Madaxweynaha Jabuuti oo maanta xariga ka jaray Bangi cusub oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed

Cabirka Farta

Sabti, December 27, 2008(HOL) - Madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta xariga ka jaray munaasabad ballaaran oo lagu furayay Bangi lagu magacaabo (Salaam African Bank) oo ku soo biiray Bangiyadii horay uga jiray magaalada Jabuuti, waxaana Bangigan uu noqonayaa midkii ugu horeeyey ee noociisa ah ee laga furo dalkan.

 

Bangigan ayaa hirgelintiisa iska kaashaday ganacsato Soomaali ah, gaar ahaana ganacsato reer Jabuuti ah, kuwo Soomaalida ee Qurbaha iyo weliba kuwa gudaha dalka Somalia, waxaana Bankigan uu ku shaqeyn doonaa sida la sheegay qaabka Bangiyada Islaamigu u shaqeeyaan ee aan laheyn waxa loo yaqaano Dulsaarka ama Ribada.

Xafladan ballaaran ee maanta lagu furayay Bankiga oo ka dhacday caasimadda dalka Jabuuti ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ra’iisal wasaare Dileyte Max’ed Dileyte, Wasiiro ka tirsan xukuumada, gudoomiyaha baarlamaanka, Safiiro, Diplomaasiyiin shisheeye iyo weliba marti sharaf kale oo u badneyd ganacsato waaweyn oo si weyn looga yaqaano dalka Soomaaliya iyo geeska Africaba.

 

Xafladan ayaa waxaa khudbo ka jeediyay guddoomiyaha Bangigan cusub mudane Cumar Ismaaciil Cigaal, isagoo faah faahin ka bixiyay dedaalkii ay ganacsatada Soomaaliyeed u soo galeen hirgelinta Bangi ceynkan oo kale ah oo uu tilmaamay inay baahi gaar ahaaneed u qabeen xoolaleyda ama dadka dhaqaalaha leh ee Soomaaliyeed, iyo weliba kuwa ganacsigoodu ku xiranyahay dibeddaha.

 

 

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa xusay in Bangigoodu uu kaga duwanyahay Bangiyada kale ay tahay tilmaamahan in Bangigan aanu laheyn waxa loo yaqaano Dulsaarta, sidoo kale waxa uu tilmaamay in Bangigoodu uu yahay  mid Soomaaliyeed, dadka lehna ay yihiin dad isku luqad ah oo go’aanka ay qaadanayaan uu yahay mid u madax banana dadka Soomaalida ah ee isku garanaya luqada Soomaaliga, taasina ay tahay waxa ay sida weyn uga duwan yihiin Bangiyada kale.

 

Bangigan ayaa waxa uu ku shaqeynayaa aaladdaha Casriga ah sida ATM barnaamijka loo yaqaano oo qofka ka yimaada Ameerika ama Yurub uu isagoo wata Card-ka Salaam African Bank kala bixi karaa marka uu yimaado Jabuuti lacag intii uu doono Accoun-kiisa, waxaana sidoo kale uu Bangigani ku shaqeeyaa sida Bangiyada caalamiga ah Technologiyada Casriga ah sida Internetka Banking, Mobile-ka Banking, Telephone Banking iyo ATM Banking, wuxuuna macaamiishiisa u fudeyn doonaa sida ay ballan qaadeen maamulka Bangigan adeegyada ay doonaan oo dhameystiran.

Dhinaca kale, mar aan weydiiyay agaasimaha Bangiga Max’ed Yuusuf Axmed (Aloore), waxa kale ee uu ummadda u qaban doono Bangigoodu ayuu tibaaxay in shacabka ay u diyaariyeen mashaariic dhaqaale iyo mid maalgelineed, oo uu ku micneeyey inay dadka xirfaha leh ee la yimaada mashaariic macquul ah ay amaahin doonaan Lacago inta uu dalbado, ayna dadka ku xireyn wax gor gortan lacageed ah, sidoo kalena waxa uu xusay in dadka heysta lacagaha ay u sameyn doonaan mashaariic horumarineed oo lacagtooda loo gelinayo si ay faa’iido uga helaan intii ay u ooli laheyd Guryaha ama Bangiyada.

 

“Faracyo kale oo badan ayaan mustaqbalka dhow rajeyneynaa inaan ka hirgelino dhamaamba Geeska Africa, kadibna u gudubno caalamka, waxaana faraca labaad ee Salaam African Bank aanu ka furi doonaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia” ayuu yiri Axmed Yuusuf Galool oo ka mid ah mas’uuliyiinta Bangigan cusub sidoo kalena ka tirsan Qurba-joogta caanka ah ee Soomaaliyeed.

 

Waa Bangigii ugu horeeyey ee Islaami ah oo casrigan ku shaqeeya oo ay ganacsato Soomaali ah ka hirgeliyaan dalkan Jabuuti, iyadoo horay ay u jireen Bangiyo caalami ah oo ay leeyihiin Ajaaniib, waxaana dadka maanta aan ka si hoose uga wareystay furitaanka Bangigan ay ku tilmaamayeen mid ammaan mudan, maadaama ay hirgeliyeen maamulkiisana leeyihiin Soomaali.

 

 Garaad Salaad Xirsi

E-mail: [email protected]

Wixii faah faahin dheeri ah kala xiriir maamulka Bangiga

Tel : 00253-609643 Fax. Numb. 00253-351534 Line Numb. 00253-35154 P.O. Box. 2550