Ardayda Jaamacadda Muqdisho oo uu u bilowday Imtixaanka Sanad-Dugsiyeedka 2008-2009

Cabirka Farta

Sabti, December 27, 2008(HOL): Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 27/12/2008, waxaa Xarumaha  Jaamacadda Muqdisho si habsami leh uga bilowday imtixaankii Semisterka Koowaad ee sanad waxbarashadeedka 2008-2009,  iyadoo Faraca Jaamacadda Muqdisho ee Magaalada Boosaasana uu Imtaxaanku mar dhow ka bilaaban doono inshaa allaah.

Bilaabashada Imtixaanka oo ay ka qeyb qaadanayaan Kumanaanka Arday ah oo  ka diiwaangashan Kulliyadaha iyo qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Jaamacadda ayaa waxaa ay rajo galinaysaa Ardayda, Waalidiinta iyo Dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee ku kala sugan Gudaha iyo Dibada Dalka, ayadoo si gaar ah looga heehan karay wajiyada Ardayda farxad aan la soo koobi Karin.

Madaxa qeybta Imtixaanaadka ee Jaamacadda Muqdisho Dr. Maxamed Xasan Nuur ayaa mar uu la hadlayay Ardayda ugu hambalyeeyay Munaasabadda bilaabashada Imtaxaanka ardayda, waalidiinta iyo dhamaan bulshada soomaaliyeed ee dhaqanka ka dhigatay in ay markasta isgarab taagaan jaamacadda  wuxuuna urajeeyey ardayda  in Illaahay qalinkooda toosiyo.

Jaamacadda Muqdisho oo ah Jamaacad ay arday badan ka qalin jebiyeen ayaa waxay kaalinta 40aad  ka gashay qaarada afrika . Jaamacada Muqdisho ayaa waxaa la aas aasay sanadkii 1997.

C/naasir Yuusuf Macallin
[email protected]
Mogadishu, Somalia