Xildhibaan kale oo Baydhabo lagu dilay

Cabirka Farta

Sabti, December 27, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in magaaladaas caawa lagu dilay Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Ismaaciil  Xasan Maxamuud Timir.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Marxuumka  ay toogasho ku dileen Kooxo hubeysan, kuwaasi oo si gaadmo ah u toogtay, iyadoo aan lagu guuleysan in gacanta lagu dhigo kooxihii dilkiisa ka dambeeyay.

Marxuumka ayaa wuxuu ka mid ahaa Wasiirradii uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ee uu Baarlamaanka Soomaaliya kalsoonida siiyay, kadibna lagu dhaariyay Magaalada Baydhabo.

Wuxuu  sidoo kale  ka mid ahaa Xildhibaanada si weyn u difaaca waxqabadka Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, waxaana la maqli jiray isagoo qalabka warbaahinta  gudaha ka hadlaya isla markaana difaacaya waxqabadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Waa Xildhibaankii seddexaad oo lagu dilo magaalada Baydhabo, waxaana horay loogu dilay Xildhibaan Cabdalla Deerow Isaaq iyo Xildhibaan Maxamed Cusmaan Maye, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan rasmi ahaan loo ogeyn ciddii dilkooda ka dambeysay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia