Arbaco, January 28, 2009(HOL): Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee mudada labada sano ahayd ku sugnaa dalka Soomaaliya ayaa askarigoodii ugu dambeeyay wuxuu ka tallaabay xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Ciidamadan oo wada dabaabaadkooda ayaa waxay shalay ka tallaabeen Degmada Doolow oo ku taala xadka labada dal, waxayna dadka degan nawaaxiga xadka ay sheegeen in ay Ciidamada Itoobiya calankooda ku surteen gudaha dalkooda.
Waxaa socdaalka ay Ciidamada Itoobiya uga baxeen dalka Soomaaliya ku wehliyay oo horay u sii raacay Guddoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Guddoomiyaha Gobolka Bay C/fataax Ibraahim Geeseey iyo saraakiil dhinaca ammaanka ah oo ka sii raacay Magaalada Baydhabo.
Dhanka kalena, Xoogag Islaamiyiin ah ayaa lagu soo waramayaa in ay la wareegeen gacan-ku-heynta Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, iyadoo la wareegitaankooda degmadaasna uu ku soo beegmay wax yar kadib markii ay shalay halkaas ka gudbeen Ciidamo Itoobiyaan ah.
Ciidamada Itoobiya oo muddo labo sano ah ku sugnaa dalka Soomaaliya ayaa meelaha ay saldhigyada waa weyn ku lahaayeen ee ay ka baxeen waxaa ka mid ah Hiiraan, Muqdisho, Afgooye iyo Baydhabo, waxaana ka bixitaankooda Soomaaliya soo dhaweeyay dad badan oo Soomaaliyeed oo ku nool Dalka gudahiisa iyo dibaddiisa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia