30-ka bishan oo la dooranayo Madaxweynaha Dowladda Midnimo-Qaran ee Soomaaliya

Cabirka Farta

Arbaco, January 28, 2009(HOL): 30-ka bishan oo ku began Jimcada soo socota, xiliga galabtii ayaa waxaa Magaalada Djibouti ka dhici doonta doorashada madaxweynaha Dowladda Midnimo-Qaran ee Soomaaliya.

Xildhibaan C/rashiid Xiddiga oo ka mid ah Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in maanta la isku darayo Xildhibaannada TFG-da iyo kuwa ARS-ta, maalinta berri ah oo bishan ay ku beegan tahay 29 ay musharixiinta madaxweynenimada Soomaaliya ay jeedin doonaan khudbooyin ku saabsan barnaamijyadooda siyaasadeed, iyadoo musharax kastana uu leeyahay 15 daqiiqo oo uu khudbadiisa ku soo jeedinayo.

Xildhibaan Xiddig waxaa uu intaas ku daray in ay jiraan shuruudo laga doonayo musharixiinta madaxweynaha, kuwaasi oo ah in uu soo gudbiyo codsiga musharaxnimadiisa, taariikh nololeedkiisa, labo sawir oo nooca baasaboorrada lagu dhejiyo ah iyo labo kun oo doollar.

Madaxweynaha loo doorto Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ayaa wuxuu 1-da bisha February  ee soo socota uu ka qeybgeli doonaan shir uu isugu imaanayo Midowga Afrika, kaasi oo looga hadlayo arrimaha Qaaradda Afrika, gaar ahaanna dalalka ay xasaradaha ka jiraan.

Haddaba weynu eegi doonnaa sida ay wax noqdaan maalmaha soo socda iyo cidda loo doorto madaxweynenimada Dowladda Midnimada Qaran oo ay u sharax yihiin Siyaasiyiin ka kala socda TFG-da, ARS iyo kuwo ka madax bannaan labadaas dhinac.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia