Arbaco, January 28, 2009(HOL): Madaxwaynaha DGPL C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa goor dhawayd soo magaacabay qaar ka mid ah golihiisa wasiirada ,kuwaasi oo ka harsanaa xubnihii golaha wasiirrada ee uu horay u soo magacaabay.
Wasaaradaha aan horay loo soo magacaabin waxaa ka mid ah wasaaradda waxbarashada iyo tan qorshaynta,waxaana lagu soo magacaabay digreeto ka soo baxday madaxtooyada magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.
Digreetada uu madaxwaynaha ku soo magacaabay wasiirrada ayaa u qornayd sidan:
Wasiirka Waxbarashada Cabdi Faarax Siciid Bulxan
Wasiir Kuxigeen Cabdi Maxamed Maxamuud Cabdi Goobe
Wasiirka Qorsheyenta iyo Xiriirka Caalamiga
Wasiir Faarax Aadan Dhalcad
Wasiirka wasaarada Kulumeysiga iyo Khayraadka Badda
Wasiir Maxamed Faarax Aadan
Wasiirka Ganacsiga Iyo Warshadaha
Wasiirka Cabdilaahi Cali Xirsi Timacade
Wasiiru dowlaha Madaxtooyada
Wasiir Cabdi Xasaan Jimcaale
Inkastoo Madaxwaynaha uu saxiixay digreetadan ayaa lagu wadaa in maalinta barri ah wasiiradan cusub lagu dhaariyo magaalada garowe,waxaana wasaaradaha la soo magacaabay ku jira kuwo horay la isaga casilay.
Faysal Maxamed Xasan(Boston ), Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Somalia
Madaxwaynaha Puntland oo soo magaacabay Wasiiro uusan horay u soo magacaabin iyo wasaaradahoodi
Cabirka Farta
More News
- Xildhibaannada ka imaanaya Isbaheysiga Dib u xoreynta oo la dhaariyay
- Askarigii ugu dambeeyay ee Ciidamada Itoobiya oo ka baxay Soomaaliya
- 30-ka bishan oo la dooranayo Madaxweynaha Dowladda Midnimo-Qaran ee Soomaaliya
- Xoogagga Al-Shabaab oo howlgallo Amni sugid ah ka wada Magaalada Baydhabo
- Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo la shiray Saraakiisha Ciidamada Burundi ee Muqdisho ku sugan
- Tartan Isboorti oo lagu maamuusayay marxuum Faarax Sendiko oo lagu qabtay Dalka Denmark
- Shirka Jabouti oo u muuqda mid miro dhali raba
- In ka badan 5 Caruur ah oo degmada Jalalaqsi ee Goballka Hiiraan ugu geeriyootay cudurka Shubanka
- Ganacsato Soomaaliyeed ayaa Dil iyo Dhaawac loogu geystay Dalka Koonfurta Africa