Ganacsato Soomaaliyeed ayaa Dil iyo Dhaawac loogu geystay Dalka Koonfurta Africa

Cabirka Farta

Arbaco, January 28, 2009(HOL): Ganacsatadan Soomaalida ah ayaa la soo weeraray iyagoo ku sugan xaruntooda Ganacsi oo ku taala Tuulada lagu magacaabo Haramiso oo 33km ujirta Magaalada Johannesburg ee Dalka South Africa . Salaad Cumar oo uu soo gaaray Dhaawac culus ayaa ku Geeriyooday Isbitaal ku yaala Magaalda Johannesburg halka wiil kale oo lagu magacaabo C/raxmaan uu soo gaaray Dhaawac fudud.
 
Weerarkan Ganacsatada loo geystay ayaa ka dambeeyay kadib markii ay sida la sheegay Rasaas ku rideen Nin South African ah oo kala cararay Hilibka Digaag oo ka mid ahaa waxyabaha ay ka Gancsanayeen, isla markaane ay Xabaddii haleeshay Nin kale oo isla South African ah oo halkaas ku geeriyooday.
 
Waxaa sidoo kale ay saamayn ku yeelatay dhacdadaan naxdinta leh dhammaan xaruumahii Gacansiga ay Soomalida ku lahayd Tuuladaas, sidoo kale waxaa loo xiray isla dhacdadaan muwaadin soomaaliyeed oo ka mid ahaa dadkii gurmad ahaanta u aaday Tuuladaas, kadib markii ay ku been abuurteen inuu yahay ninkii gaysatay dilka muwaadinka South African-ka ah ee ay haleeshay rasaastii tuuga loo waday.
 
Ismaaciil Maxamed Soomane oo ka mid ah Guddoomiye ku xigeenka Jaaliyadda Soomaalida ee South Africa ( Somali Community Board of South Africa) ayaa ka mid ahaa dadkii gurmad ahaanta u tagay tuuladaas, wuxuuna sheegay inay Police-ka kala hadleen Muwaadinka Soomaailyeed ee aan dhacdadaan shaqada ku lahayn sii deyntiisa, iyo guud ahaan dhibka loo gaystay laba  qof ee kale ee Soomaaleed oo uu mid ka mid ah u dhintay dhaawicii ka soo gaaray falkan.
 
Ma ahan markii ugu horeesay oo ay ka dhacdo  Dalka Koonfurta Africa dhacdo noocan oo kale ah, oo ku aadan dilala iyo boobka loo gaysto muwaadiniinta Soomaaliyeed waxayna ay ahayd dhacdadii ugu naxdinta badnayd dabargoyntii loo gaytay Qoryskii Soomaliyeed ee ka koobnaa hooyo iyo labadeeda wiil iyo gabar ay dhashay oo lagu dilay goobtooda Ganacsi oo ku taalay magaaladda lagu magacaabo Queens Town oo 650 KM u jirta magaaladda  Johanesburg oo ah caasimadda Gacansiga.
 
Saciid Cabdulle Herow, HiiraanOnline
[email protected]
Johannesbrug, South Africa