Tartan Isboorti oo lagu maamuusayay marxuum Faarax Sendiko oo lagu qabtay Dalka Denmark

Cabirka Farta


Arbaco, January 28, 2009(HOL): Tartan Kubadda Cagta ah oo lagu maamuusayay marxuum Faarax Wehliye Caddow Sendiko oo ahaa Halyey Isboorti ayaa waxaa Sabtidii aynu ka soo gudubnay lagu qabtay Magaalada Kolding ee Dalka Denmark.

Sida ay Hiiraan Online u sheegeen Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish iyo Keenidiin Cabdi Daahir oo kala ah Guddoomiyaha iyo kuxigeenka Urur lagu magacaabo Kolding International Sports  oo tartankan qaban-qaabiyay, waxa ay ahayd ujeedada loo qabtay tartankan in la xuso taariikhdii Isboorti ee Faarax Wehliye Caddow Sendiko oo dhawaan ku geeriyooday Dalka Masar, isla markaana si heer Qaran ah loogu aasay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Tartankan oo ay ka qeybgaleen 10 Kooxood oo Soomaali ah ayaa waxaa  koobkii tartanka loo dhigay ku guuleysatay Kooxda Kolding First, kaalinta labaadna Alborg, halka kaalinta seddexaadna ay gashay Kooxda Kolding Star.

Tartankaas oo ahaa mid aad u xiiso badan waxaa intii uu socday daawashadeeda ka qeybgeli jiray Dadweyne aad u faro badan, kuwaasi oo isugu jiray kuwo yaqaanay Marxuum Sendiko iyo kuwo aan aqoonin balse waxqabadkiisa maqli jiray.

Waxaa abaal-marinno la siiyay Ciyaaryahanka ugu wanaagsan iyo midkii ugu goolasha badnaa, iyadoo abaal-marinnadaas iyow kalena ay bixiyeen:
 Ibraahim Ahmed Yabarow  Wiish
Cabaad Xaashi  Shukow
C/Xakiin Kaariye
Ahmed Saciid Ahmed  



 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia