Arbaco, January 28, 2009(HOL): Odayaasha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa shalay waxay kulan la qaateen Saraakiisha CIidamada Burundi eek u sugan magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Dhaqanka ee Golahaas Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in ay saraakiishaas kala hadleen tacaddiyo ay Ciidamada Uganda u geysteen dad badan oo ku dhaqan Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay madaafiic ku garaaceen.
“Saraakiishii aan la kulannay wey ka garaabeen cabashada aan ula tagnay, waxayna noo sheegeen in ay arrintaas wada hadallo ka yeelan doonaan”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali oo intaas ku sii daray in ay Saraakiisha Burundi u sheegeen in ay Ciidamada Uganda duqeynta ka daayaan meelaha dadka shacabka ah ku badan yihiin sida Suuqa Bakaaraha oo kale.
“Haddii ay Ciidamada Amisom sii wadaan dhaqankooda ah in ay duqeeyaan goobaha dadka rayidka ah ah ku badan yihiin waxba kama duwanaan doonaan Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee Muqdisho ka baxay, kuwaasi oo cadaw u ahaa Shacabka Soomaaliyeed, sidaas ayaan u sheegnay Saraakiishii Burundi ee aan la kulannay”ayuu mar kale yiri Axmed Diiriye Cali.
Kulanka dhexmaray Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye iyo Saraakiisha Ciidamada Burundi ee magaalada Muqdisho ku sugan ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo ay dad badan ku dhinteen duqeyn ay Ciidamada Amisom ka geysteen Suuqa Bakaaraha, iyadoo ka sii horna ay jireen duqeyn taas la mid ah ay ka geysteen Xaafado ku yaala magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia