Arbaco, January 28, 2009(HOL): Xoogagga Al-Shabaab oo dorraad la wareegay gacan-ku-heynta Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa waxay gudaha Degmadaas ka wadaan howlgallo ay ammaanka ku sugayaan.
Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo aad u hubeysan ayaa lagu arkayaa gudaha Degmada, waxayna si gaar ah ugu hayaan in dhaqdhaqaaqa dadka, gaar ahaan kuwa looga shaki qabo in ay falal amni darro ah sameeyaan.
Tan iyo markii ay Xoogagga Al-Shabaab la wareegeen gacan-ku-heynta Baydhabo ma jirin wax amni darro ah oo ka dhacay, waxayna dadka Baydhabo heleen nabadgelyo la isku haleyn karo, iyadoo ay xusid mudan tahay in xiliyada habeenkii ay furan yihiin goobaha ganacsiga oo aan habeenkii la furi jirin intii ay Ciidamada Itoobiyaanka ku sugnaayeen Magaalada Baydhabo.
Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu MAnsuur oo shalay meel fagaare ah kala hadlay dadka Baydhabo ayaa wuxuu u sheegay in si dhaqsi ah loogu sameyn doono Magaalada Baydhabo Maamul Islaami ah, isagoo dadkana ugu baaqay in ay qaataan ku dhaqanka Shareecada Islaamka, wuxuuna caddeeyay in qofkii diida ku dhaqanka Shareecada Islaamka uu mujrim yahay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia