Arbaco, January 28, 2009(HOL): Dalka Jabouti waxaa hadda ku wada sugan Xubno ka kala tirsan Isbaheysiga dib u Xoreyta Soomaaliya garabka uu hogaamiyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, sidoo kale waxaa halkaas jooga xubno ka socda beesha Caalamka oo isha ku haya ugu danbeytii sida ay wax iskula meel dhigaan dhinacyada Dowladda iyo Mucaaradka.
Laakiin waxaa shirka xamaasad iyo yididiilo hor u sii yeelay aqlabiyadda Xubnaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka ku ansixiyeen in lagu soo daro golaha ilaa 275 ka socta dhinaca Isbaheysiga dib u Xoreynta si markaas loo dhiso Dowladd wadaag ah oo ku dhisan Awood qeybsi, taa oo micnaheedu noqonayo in Xubnaha Baarlamaanka Federaalku ogolaadeen in wax ka badal lagu sameeyo sida hadda uu u dhigan yahay Axdiga u degan TFG-da Tusaale ahaan in loo badalo 550 qodobkii dhigayay 275.
Waxaa hadda diyaar ah sida ay sheegayaan dhinaca mas'uuliyiinta Isbaheysiga 200 oo xubnood kuwaa oo la filayo in Saacadaha soo socda lagu soo biiriyo fadhiga Baarlamaanka, halka tirada soo hartay ee ah 75-ta Xubnood wali aan laga gaarin go'aan kama danbeys ah inkastoo markii hore la sheegay in ay la siinayo Ururada Bulshada rayidka ah iyo waliba Mucaarad aan la shaacin.
Marka lagu soo daro Xildhibaannada gaaraya 200 ee ka socta Isbaheysiga dib u Xoreynta golaha Baarlamaanka ee hadda jira waxaa markii ugu horeysay la arkayaa Xubno ka wada tirsan Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga dib u Xoreynta oo ku wada jira hal gole islamarkaana si wada jir ah go'aamo u gaaraya islamarkaana u wada codeynaya dhismaha hogaan ay ku mideysan yihiin.
Siyaasadu malaha Xad u gaar ah, sidaa daraadeed ma'aha wax la yaab leh in la arko Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Xubno ka wada tirsan Dowladda Federaalka oo sida wada jir ah ugu tartamaya qabashada xilka Madaxweynaha, waliba waxaa la dhihi karaa waa horumar laga gaaray dhinaca biseylka Siyaasadeed ee hogaamiyeyaasha Soomaalidu gaareen.
Sikastaba arrintu ha ahaatee, marka loo fiirsado halka hadda wax marayaan waxaa hubaal ah in Shirka Jabouti maalmaha ina soo aadan ay ka soo bixi doonto Dowlad ay ku wada jiraan dhinacyadii markii hore is-diidanaa, taasoo dad badan oo Soomaaliyeed u arkaan in ay tahay tan kaliye ee looga bixi karo marxaladda hadda lagu jiro.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Shirka Jabouti oo u muuqda mid miro dhali raba
Cabirka Farta
More News
- Xildhibaannada ka imaanaya Isbaheysiga Dib u xoreynta oo la dhaariyay
- Askarigii ugu dambeeyay ee Ciidamada Itoobiya oo ka baxay Soomaaliya
- 30-ka bishan oo la dooranayo Madaxweynaha Dowladda Midnimo-Qaran ee Soomaaliya
- Xoogagga Al-Shabaab oo howlgallo Amni sugid ah ka wada Magaalada Baydhabo
- Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo la shiray Saraakiisha Ciidamada Burundi ee Muqdisho ku sugan
- Tartan Isboorti oo lagu maamuusayay marxuum Faarax Sendiko oo lagu qabtay Dalka Denmark
- Madaxwaynaha Puntland oo soo magaacabay Wasiiro uusan horay u soo magacaabin iyo wasaaradahoodi
- In ka badan 5 Caruur ah oo degmada Jalalaqsi ee Goballka Hiiraan ugu geeriyootay cudurka Shubanka
- Ganacsato Soomaaliyeed ayaa Dil iyo Dhaawac loogu geystay Dalka Koonfurta Africa