Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo ka cudur-daartay hadal uu shalay ka yiri Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo Qadiyadda Somaliland

Cabirka Farta

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin: Sawirka Barqad Kaariye/HOL
Isniin, 09 February 2009 (HOL): Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa hadal uu shalay sheegay oo uu Madaxweynaha dhawaan loo doortay Somalia Shariif Sh. Axmed ku tilmaamay Madaxweyne maamulkiisa iyo Dawladda ay ka duwanaan doonto Dawladihii iyo Maamulladii ka horeeyey ee Somalia soo mara, isla markaana ay Xukuumadda Somaliland ay la jaan-qaadi karayso, ku sheegay mid si khaldan loo fasilay oo aanu sidaa uga jeedin.

Madaxweyne-xigeenka oo shalay ka hadlayay Xaflad ay Xukuumaddu u qabatay Qurba-joogga Somaliland ee Hargeysa u yimi ka-qayb-galka Shirweynihii labaad ee Xisbi-xaakimka UDUB, ayaa ka hadlay aragtidiisa Madaxweynaha cusub ee Somalia.  “Waxaan filayaa Shariifku inuu arinka Somaliland iyo Somaliya inuu si fiican inoo kala guri doono. Dabcan Soomaali kala maarmi kari mayso oo cid Xad xidhaysa iyo cid wax oodaysa ma jirto, sidaa Yurub baa la noqon doonaa, horta bal waa in qolo waliba inay dib isu soo dhisto oo ay dib u muuqato oo dabadeed hadhow Nin-na Xamar laga celin maayo, Nin-na Hargeysa laga celin maayo.” Ayuu yidhi Madaxweyne-xigeenka Somaliland.

Madaxweyne-xigeenka Somaliland waxa uu sheegay in Shacabku isku mid yahay. “Dadka khalad baa la fahamsiiyay oo waxaa la yidhi xad baa la xidhayaa Ciidan baa degaya nina soo gudbi maayo, waa waxa dadka lagu fogaynayo, dadku waa dadkii uun. Laakiin Yurub sida ay wax u kala leedahay uun baan wax u kala yeelanaynaa dadkuna sidaa ayay isku dhex soconayaan. Hadalkayga waxaan ku soo gunaanadayaa dadkiinan qurba jooga ah waxaan doonayaa inaad dadka u caqli celisaan oo xaalada wadanka taal uga warantaan.” Ayuu yidhi Madaxweyne-xigeenku.

Warbaahinta maxalliga ah ee Somaliland ayaa si wayn wax uga qortay hadallada Madaxweyne-ku-xigeenka ka soo yeedhay, taas oo keentay in uu Madaxweyne-ku-xigeenku Shirjaraa’id oo uu maanta ku qabtay Magaalada Hargeysa ku sheegay in hadalladiisa loo fasilay si ka duwan sidii uu ka waday, isla markaana ujeedadiisu ahayd in Dawladda cusub ee uu soo dhisayo Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed aanay farogelin ku samaynin Somaliland Siyaasadeedda iyo Dawladeedda, waa sida uu hadalka u yidhiye. Hase ahaatee, wuxuu ku adkaystay oo uu sheegay in uu filayo in Madaxweyne Shariif Sh. Axmed.

Barkhad M. Kaariye   Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland