Isniin, February 09, 2009(HOL): Habeenkii xalay ahaa ayaa kooxo hubaysan oo u dhashay dalkan Koonfur-Africa, isla markaana burcad ahaa waxay dil toogasho ah ku dileen muwaadin soomaliyeed oo ku sugnaa dukaankiisa oo ku yiilay tuulada Delf ee magaaladda Xeebta ah ee Cape Town.
ALLAAH HA U NAXARIISTO Marxuum Axmed Abuukar Xaaji Xuseen oo lagu naa-neesi jiray (Axmedey Goobe) da'diisana la iigu sheegay 38-Sano jir ayaa lagu dilay magaaladda xeebta ee Cape Town xili u ku guda jiray shaqadiisa ganacsi.
Marxuumkan ayaa waxaa soo weeraray kooxo burcaad ah kadib-na dukaankii uu ku suganaa ayay si lama filan ugu soo galeen, waxayna ku bilaabeen handadaad, Isaguna wuxuu ku yidhi'' xiligaasi fadlan ha idilina ee qaata wixii aad rabtaan. Hasee-yeshee kooxihii burcadda ahayd ee weerarka soo qaaday ayaa warkaasi u cuntami waayay markiiba waxay ka toogteen madaxa isagoo halkaasi ku nafbaxay.
Inta kadib-na burcad ayaa markiiba dukaanka u geysatay dhac iyo alaab gurasho Iyagoo qaatay wixii yiilay dukaanka Isla markaana waxay ku baxsadeen gaari nooca Toyota ah oo ay soo dhigteen meel dukaanka u dhow.
Arintani dilka waxaa cambaareeyay dhammaan ganacsatada Soomaliyeed ee ku dhaqan dalkani K/Africa waxayna si aan kala har lahayn u canbaareeyeen falalka lagu bartilmaameedsanayo muddooyinkan danbe Ganacsatada Soomaliyeed ee ganacsiga naf-la-caariga ah ku haysta dalkan.
Si kastaba ha ahaatee, dilkan loo geystay muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa noqonaya kii 7-aad ee sanadkan 2009-ka loogu geysto ganacsatada Soomaaliyeed ee nolosha iyo nabadda u soo doontay dalka Koonfur-Africa.
Hassan YeeY
[email protected]
Johannesburg, South Africa
Nin ganacsade ah oo lagu dilay Koofur Afrika
Cabirka Farta
More News
- Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo ka cudur-daartay hadal uu shalay ka yiri Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo Qadiyadda Somaliland
- XAAWO SHIIKH AXMED: “Aad ayaan u farxay markii la ii sheegay in aan helay daweyn dibadda ah, waayo dhaawac culus oo i soo gaaray dalka gudahiisa wax waa looga qaban waayay”
- Xildhibaano ka tirsan Wakiillada Somaliland oo ka digay khatar ka dhalata dib u dhigista doorashooyinka Somaliland
- Kulan is-cafin ah oo Muqdisho ku dhexmaray Saraakiisha iyo Ciidamada Dowladdii TFG-da iyo Maxkamadaha Islaamka
- Ganacsatada Suuq Bakaaraha oo codsaday in la joojiyo Muxaadarooyinka Siyaasadeysan ee Masjidyada looga hadlayo
- Odayaasha Hawiye iyo Culumaa’udiinka Musaalaxada oo sheegay in ay dhexdhexaadinayaan Dowladda Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda
- Xarunta Somali-Canadian Cultural Society of Edmonton oo Deeq Lacag Aruurin ah u Qabanqaabisay Mashruuca lagu daweynayo Caruurta Soomaaliyeed
- Xaflad lagu tageerayo Madaxwayne cusub ee Soomaaliya Sheekh Sharif Shiikh Axmed oo ka dhacday Magaalada Nairobi