
Isniin, February 09, 2009(HOL): Xaawo Shiikh Axmed waxaa soo gaaray dhaawac culus oo ka dhashay rasaas ay isku furayeen kooxo maleeshiyooyin ah oo isku rasaaseynayay meel u dhow gurigeeda oo ku yaala Xaafadda Sii Sii ee Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.
Xaawo oo dhaawac culus uu ka soo gaaray daanka, isla markaana ay burbureen qeybo ka mid ah lafihii daanka iyo afka ayaa waxaa dhaawaceeda la geeyay Isbitaalka Keysaney oo ka mid ah Isbitaallada la dhigo dadka ku dhaawacma dagaallada ka dhaca magaalada Muqdisho, laakin dhaawaceeda halkaas waxba waa looga qaban waayay, kadibna waxaa la geeyay Isbitaal ay maamulaan Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan, sidoo kalena wax waa looga qaban waayay.
Labadaas Isbitaal markii dhibkeeda wax looga qaban waayay waxay la xiriirtay Xaawo Dalladda Haweenka COGWO oo ah Dallad u dooda Haweenka. COGWO waxay kiiska Xaawo u gudbisay Cabdi Muuse Maaxaay oo ah Muwaadin Soomaaliyeed oo in muddo ah ku howlanaa sidii uu u caawin lahaa dadka ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya oo isugu jira Caruur iyo Dad waa weyn.

Fartuun Xasan Sobraal (Bidix) iyo Maryan Taqal (Midig) oo COGWO ka tirsan oo sii sagootiyay Dhibane Xaawo Shiikh Axmed
Kadib Maaxaay waxaa uu la xiriiray Dhaqtar ka howlgala Isbitaalka Kijabi oo Nairobi ku yaala, kaasi oo uu la socodsiiyay dhibka heysta Xaawo Shiikh Axmed, dabadeedna wuxuu ka ogolaaday in Isbitaalkaas lagu daweeyo.
Intaas kadib Cabdi Muuse Maaxay waxaa uu Xiriirro kala duwan la sameeyay Dad Soomaaliyeed oo ku kala nool Magaalooyinka Edmonton iyo Calgary ee dalka Canada, kuwaasi oo markii uu la xiriiray kadib sameeyay isu imaatin dhaqaale uruurin ah oo ay ku kaalmeynayaan Dadka ku dhibaateysan Soomaaliya iyo Dad kale oo daweyn loo geeyay Kenya, laguna guuleystay, kuwaasi oo u baahnaa dhaqaalihii ay dib ugu noqon lahaayeen Soomaaliya.
Cabdi Muuse Maaxaay oo haatan Caruur badan oo Kenya lagu daweeyay kula sugan Magaalada Nairobi ayaa wuxuu mahadcelin u jeediyay Dadkii gacanta ku siisay in uu caawiyo dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwii ugu dambeeyay ee ku sugan Magaalooyinka Edmonton iyo Calgary ee dalka Canada. Maaxaay waxa uu sheegay in fursadda ay Xaawo Shiikh Axmed ku tegeyso Isbitaalka daweynta looga helay ay suurtageliyeen Dadka Soomaaliyeed ee ku nool labadaas Magaalo ee Canada ku taala, wuxuuna u rajeeyay in uu Allaah kheyr ugu bedelo sadaqada ay baxsadeen.

Haddaba Xaawo Shiikh Axmed oo aan kula kulmay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho xili ay u sii duuleysay Magaalada Nairobi ayaa waxaan wax ka weydiinay sida uu dareenkeedu yahay, waxayna ii sheegtay in ay aad u faraxsan tahay bacdamaa ay heshay daweyn dibadda ah, “Aad ayaan u farxay markii la ii sheegay in aan helay daweyn dibadda ah, waayo dhaawac culus oo i soo gaaray dalka gudahiisa wax waa looga qaban waayay”ayay tiri Xaawo Shiikh Axmed oo sheegtay in ay aad u niyad xumeyd intii aanu soo gaarin warka ku saabsan in daweyn dibadda ah loo helay. Xaawo waxay u mahadcelisay intii ku kaalmeysay in ay daweyntaas hesho.
Ugu dambeyntiina, Khamiista soo socota waxaa Magaalada Muqdisho ku noqon doona Caruur Soomaaliyeed oo lagu soo daweeyay Dalka Kenya, kuwaasi oo ay daweyntooda iska kaashadeen Maaxaay, Dad Soomaaliyeed oo ku kala nool Dalalka Mareykanka iyo Canada, Dalladda Cogwo iyo Isbitaalka Kijabi.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia