
Isniin, February 09, 2009(HOL): Xafladdan oo ay soo Agaasimeen Guddiga Ganacsatada Soomaliyeed ee magaalada Nairobi laguna soo dhaweynayay magacaabista Madaxweynaha cuusb ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxay ka dhacday magalada Nairobi ee dalka Kenya.
Xafladdan oo ay ka soo qeybgaleen Ganacsato Soomaaliyeed iyo Qaar ka mid ah Baarlamaanka dalka Kenya iyo Culumada ayaa waxaa lagu tageerayay madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Dowladdiisa.

Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha labaad ee baalamaanka Kenya Faarax Macallin oo u mahad celiyey dhamaan ka soo qeyb galayashaa xafladdani intaasi kadib ayaa wuxuu Guddoomiyaha u mahadceliyay oo kale dowladda cusub ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay maanta ummadda Soomaaliyeed u baahan tahay dowlad caadil ah iyo dal nabad ah asago dhinaca kale ugu baaqay dhamaan koxaha ka soo horjeedo dowladda cusub oo uu sheegay in aanu garaneynin wax lagu mucaardo iyo wax lagu khilaafo in ay taageeraan dowladda si xal loogu helo mushkiladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa halkaasi Khudbad aad u qiima badan ka soo jeediyay Xildhibaaanad Bilow Keerow oo ka mid ahaa Xildhibaannada dowldda Kenya wuxuuna sheegay in ay hiil iyo hooba la garab taagan tahay dowladaKenya dowladda Somaaliya ayna jecel yihiin dhamaan Xildhibaannada Soomaalida ee kujira dowlda Kenya in ay Soomaalida midowdo, kana baxdo dhibaatada ay mudada dheer ku soo jirtay.

Waxaa ka mid ahaa dadkii ka hadlay Guddoomiyaha ganacsatada Soomaaliyeed ee Wadankan Kenya Xaaji Xasan Guleed oo ku hadlay magaca Ganacsatada Soomaaliyeed ee Wadanka Kenya ayaa sheegay in ay taageerayaan cid walba oo ka talineyso maslaxada umadda Soomaaliyeed iyo nidaam ku soo daabaali karta waqtigaan, ayna taageersan yihiin, soona dhaweynayaan dowladda cusub ee Sheekh Shariif Sheekh Ahmed .
Ugu danbeyntii waxaa halkaasii qudbad xasaasi ah ka soo jeediyey siyaasiga caanka ah General Galaal oo dowladda cusub ugu baaqay iney ka fagaato waxii dowaladahii hore ee Somaaliya ay ku shaqeyn waayeen , isagoo si gaar ah kula dardaarmay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed in uu isu soo jiido Qeybaha Siyaasadda Soomaaliya iyo in uu soo dhiso dhamaan ciidamo isku dhaf ah o isugu jira maxakamadaha Islaamka iyo kuwiiDowladdii hore ee Maxamed Siyaad Barre isla markaana uusan dalban wax ciidamo shisheeye ah.
Cabdiraxmaan Diiriye Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya