Xildhibaano ka tirsan Wakiillada Somaliland oo ka digay khatar ka dhalata dib u dhigista doorashooyinka Somaliland

Cabirka Farta

Isniin, 09 February 2009 (HOL): Ugu yaraan 33 Mudane oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Shirguddoonka Golahaas, Gudoomiyaha Guddida Doorashooyinka iyo Shirguddoonka Golaha Guurtida u gudbiyay Mooshin ku saabsan qabsoomidda Doorashada soo socota ee Madaxtooyada Somaliland. Waxaanay ka digeen in dib loo dhigo Doorashada Madaxweynaha.

Mooshin oo ka koobnaa shan qodob, ayay Xildhibaannadani kag digeen khatar ka dhalata in dib loo dhigo Doorashooyinka Madaxtooyada Somaliland oo loo qorsheeyay 29-ka bisha March 2009. Taas oo ay ku tilmaameen haddii ay dhacdo in ay dalka u horseedi karto dawlad-la’aan iyo burbur.

Mooshinkaas oo dhammaystiran ayaa wuxuu u dhignaa sidan;
 
“Guddoomiye, waxaynu ogsoonahay qiimaha Doorashadu u leedahay Somaliland, iyadoo waqtigeedii hore ee ay qabsoomi lahayd la dayacay, iyada oo eedda dib-u-dhacii horena ay Xukuumaddu lahayd.
Guddoomiye, waxaanu ka digaynaa dib-u-dhac labaad oo ku yimaadda Doorashada, taas oo dhaxalsiin karta dalka burbur iyo khasaare aan laga soo kaban karin.

Guddoomiye, iyadoo aynu aragnay muddada kooban ee ka hadhay waqtigii la cayimay ee 29-ka March 2009, waxaanu aragnaa in aanu dhaqdhaqaaqii loo baahnaa aanu jirin.

Guddoomiye, markaanu qiimaynay xaaladahan iyo kuwo kale waxaanu soo jeedinaynaa qoddobada hoos ku xusan;

1-In doorashada Madaxtooyada waqtigeediu ku qabsoonto iyadoo cid kasta qabsanayso waajibaadkii ay ku lahayd.

2-In dhammaan Hay’adaha samafalka iyo Xukuumaddu gacan ka geystaan dar-dargelinta hawshii Doorashada.

3-Waxaanu ka digaynaa digniin adag dib-u-dhac doorashada ku yimaadda, iyadoo dala u horseedi karta dawlad-la’aan iyo burbur baahsan.

4-Waa in Madaxweynuhu soo saaraa digreetadii Doorashada sida ku cad Xeer Lr.20 qodobkiisa 8aad, si ay umaddu u xaqiiqsato qabsoomidda Doorashada.

5-Waa in Komishanka Doorashooyinka Qaranku si degdeg ah u soo gudbiyaa Miisaaniyaddii Doorashada, sida uu dhigayo Qodobka 15aad Xarafkiisa A ee Xeer Lr. 20.
 
Barkhad M. Kaariye   Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland