Xarunta Somali-Canadian Cultural Society of Edmonton oo Deeq Lacag Aruurin ah u Qabanqaabisay Mashruuca lagu daweynayo Caruurta Soomaaliyeed

Cabirka Farta


Isniin, February 09, 2009(HOL): Waxaa dhawaan magaalada Edmonton ee Dalka Canada loogu sameeyey deeq lacag aruurin ah oo loogu talagalay mashruurca daweynta caruurta Soomaaliyeed, kaasi oo ay soo qabanqaabiyeen Cabdi Casiis Muuse Maaxay iyo Abdiqaadir Siid  Ahmed.

Cabdi Casiis iyo Cabdiqaadir ayaa muddo ku hawlanaa wax u qabadka carruur soomaaliyeed oo aad iyo aad ugu xannuunsan gudaha dalka Soomaaliya, kuwaas oonn haysan ehello wax u qabta iyo dad kale oo caawiya toona.

Cabdi Casiis Maaxay wuxuu gobolka Minnesota  ee dalka Maraykanka keenay carruur badan oo cudurro kala duwan ay hayeen; dhammaantoodna waa la daaweeyey. Carruurta uu keen Maraykanka ayaa ah kuwo lagu daaweyn kari waayey Kenya iyo Afrikada kaleba, sidaas darteed ayaa loo soo qaadaa Maraykanka.

Carruurta lagu daaweyn karo Afrika ayaa badankooda la keenaa Kenya oo dhinaca caafimaadka kaga horreysa dalalka kale ee Soomaaliya la dariska ah. Cabdi Casiis Maaxay wuxuu carruurta ku celiyaa gobolada Soomaaliya ee laga kala keenay ka dib markii la daweeyo. Kuwa maraykanka la keenana daganaansho ayaa la siiyaa.

“Barnaamijkan lagu taakulaynayo carruurta Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa ku dhibaataynsan ayaa dhibkooda laga ogaadaa warbaahinta Internetka, ka dibna loo dhexgalaa dadka Soomaaliyeed ee khayrka jecel”, waxaa sidaas yidhi mudane Cabdi Casiis Maaxay.

Waxaa xarunta Somali Canadian Cultural Society of Edmonton oo ahayd goobtii lagu qabtay taakulaynta carruurta dhibaataysan lagu daawaday sawirro naxdin leh oo laga soo qaaday carruurta xanuunsan ka hor intii aan la daaweyn. Waxaa kale oo la daawaday sawirro kale oo carruurta laga soo qaaday markii la daaweeyey kadib.


Dadkii Soomaaliyeed ee kasoo qeybgalay lacag aruurinta mashruuca Healing of Children of Minnisota ayaa aad u qiirooday waxay heli kareenna ugu taburacay carruurtaas xanuunsan.

Cabdi Casiis Maaxay oo ah madaxa xafiiska mashruuca Healing of Children of Minnisota ayaa aad ugu mahad celiyey xarunta Somali Canadian Cultural Society of Edmonton sidii wanaagsaneyd ee ay usoo abaabushay kulanka lacag aruurinta ah ee loo sameeyey carruurta Soomaaliyeed ee cudurada kale duwan ku dheceen.

Halkan ka dhegeyso Wareysi aan la yeelanay Guddoomiyaha
Somali Canadian Cultural Society of Edmonton Xasan Tata

Maxamed Cabdi
Somali Canadian Cultural Society of Edmonton
[email protected]
Edmonton, Alberta, Kanada