Odayaasha Hawiye iyo Culumaa’udiinka Musaalaxada oo sheegay in ay dhexdhexaadinayaan Dowladda Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda

Cabirka Farta

Isniin, February 09, 2009(HOL): Mas’uuliyiin u hadlay Golaha Dhaqanka iyoMidnimada Beelaha Hawiye iyo Culumaa’udiinka Musaalaxada iyo sixitaanka oo shalay kulan la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegay in ay wakaalad ka soo qaateen madaxweynaha, dhinacyada ka soo horjeedana ay sidaas oo kale ka rajeynayaan.

Shiikh Nuur Baaruud Gurxad oo ah Afhayeenka Culumaa’udiinka Musaalaxada iyo sixitaanka ayaa sheegay in madaxweynaha markii ay la kulmeen uu u sheegay in uu diyaar u yahay in uu la hadlo dadka ka soo horjeeda dowladdiisa, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu madaxweynaha u caddeeyay in dowladda uu madaxda ka yahay ay dalka ku xukumi doonto shareecada Islaamka.

“Marba haddii uu madaxweynaha caddeeyay in uu dalka ku xukumayo shareecada Islaamka, isla markaana ay Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa dalka ka baxeen aniga waxaan qabaa in aan loo baahneyn in laga hor-yimaado dowladda uu madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed”ayuu yiri Shiikh Nuur Baaruud.

Sidoo kalena, Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo isna ka mid ahaa xubno ka socday Golahaas oo madaxweynaha la kulmay ayaa sheegay in markii ay la kulmeen madaxweyne Shariif uu u sheegay in aysan jirin wax uu ku diidan yahay in uu la hadlo dadka ka soo horjeeda.

“Wuxuu nagu yiri Madaxweynaha wakiil waad iga noqon kartaan, wax alle iyo wixii aad igula talisaanna waan idinka qaadanayaa”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali oo sheegay in ay wakiilasho buuxda ka soo qaateen madaxweynaha, dhinacyada ka soo horjeedana ay ka rajeynayaan in ay iyana ka ogolaan doonaan in ay dhexdhexaadin ka dhex sameeyaan.

Axmed Diiriye oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in uu madaxweynaha Soomaaliya ugu muuqday nin u damqanaya dadkiisa iyo dalkiisa, wuxuuna caddeeyay in ay uga mahadceliyeen go’aankii uu dorraad qaatay ee ahaa in aan laga jawaabin madaafiic lagu tuuray Xarunta Villa Somaliam taasi oo haddii laga jawaabi lahaa keeni lahayd dhibaato soo gaarta dadka shacabka ah ee ku dhaqan Muqdisho, sidii horayba u dhici jirtay.

Dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxaa ka soo horjeeda ururro dhowr ah, kuwaasi oo qaarkood dhawaan sameystay Xisbi ay ku mideysan yihiin oo la magac baxay Xisbul Islaam.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia