Ganacsatada Suuq Bakaaraha oo codsaday in la joojiyo Muxaadarooyinka Siyaasadeysan ee Masjidyada looga hadlayo

Cabirka Farta

Isniin, February 09, 2009(HOL): Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) oo u waramayay Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ugu baaqayaan Culumaa’udiinka Arrimaha Siyaasadda uga hadla masjidyada in ay arrintaas joojiyaan.

Cali Dheere waxaa uu sheegay in beryahan ay soo badanayeen muxaadarooyin arrimo siyaasadeed ku saabsan oo masjidyada qaarkood lagu qabto, wuxuuna codsaday in ay Culumaa’udiinka joojiyaan arrimahaas.

“Beryahan waxaa muxaadarooyin siyaasadeysan lagu qabanayay Masjidyo ku yaala Magaalada Muqdisho sida Masjidka Abuu Hureyra oo kale, waxaana leeyahay Masjidyada  waxaa loo dhisay in Allaah lagu caabudo ee ha laga daayo in looga hadlo arrimaha Siyaasadda”ayuu yiri Cali Dheere.

Guddoomiyaha ganacsatada Suuqa Bakaaraha waxaa uu sheegay in aaney wanaagsaneyn in ay Culumaa’udiinka Masjidyada iska radiyaan, wuxuuna taasi ku tilmaamay mid dadka sii habaabineysa, “Culumaa’udiinka iyaga ayaa dadka indho u ah, haddii dhexdooda is-heysad ka jirana waa is-heysta indhihii bulshada”ayuu yiri Cali Dheere.

Cali Dheere waxaa uu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay dhigaan gogol lagu heshiisiinayo Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo uu sheegay in khilaafka u dhaxeeya uu haatan gaaray heer ay qalabka warbaahinta isu marsiiyaan hadallo ay isku weerarayaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia