Dagaal ka dhacay Degmooyin ka tirsan Muqdisho

Cabirka Farta

Khamiis, November 06, 2008(HOL): Dagaal xooggan oo la isugu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu maqribnimadii caawa ka qarxay xaafado ka tirsan Degmooyinka Hodan, Waaberi, Yaaqshiid iyo Huriwaa.

Dagaalkan oo la isugu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.

Dagaalka ka dhacay Degmooyinka Hodan, Howl-wadaag iyo Waaberi ayaa wuxuu ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Makka Al-Mukarrama iyo Xaafada Taleex, wuxuuna dagaalkaas qarxay kadib markii xoogagga hubeysan ay weerareen fariisimo ay halkaas ku leeyihiin Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Amisom iyo kuwa Itoobiya.

Sidoo kalena Dagaalka ka dhacay Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ayaa wuxuu bilowday kadib markii Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ee fariisinka ku leh Warshaddii Baastada iyo Xeyla Bariise lagu weeraray Madaafiic hoobiyayaal ah, kuwaasi oo ay jawaab ka bixiyeen Ciidamadii la weeraray.

Lama oga ilaa iyo haatan inta uu la egyahay khasaaraha uu dagaalkan geystay, waxaana jira warar sheegaya in uu dagaalkan khasaare ka soo gaaray dhinacyada dagaallamay iyo weliba dad rayid ah oo ka dhow halka ay dagaallada ka dhaceen iyo weliba kuwo ay guryahooda ugu tageen madaafiic habow ah.

Dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo shalay uu dhaganqal noqonayay heshiis xabad-joojin ah oo ay dabayaaqadii bishii hore Jibouti ku wada gaareen dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta garabka Jibouti, iyadoo xabad-joojinta kadibna la filayay in ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxaan fariisimo ay ku leeyihiin gudaha Magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay heshiiskii ugu dambeeyay ee Jibouti waxaa ay ahayd mid degan oo aaney wax dagaallo ah ka dhicin, waxayna taasi keentay in ay dad badan dib ugu noqdaan guryahoodii oo ay dagaallo aawgood uga carareen, inkastoo dadkaas dib u noqonayay ay ahaayeen kuwo guryahooda aaney u dhaweyn fariisimada Ciidamada Dowladda, kuwa Itoobiya iyo kuwa Amisom.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia