Guddiga KMG ah ee Maamul u sameynta Gobolka Banaadir oo sheegay in ay howshooda meel gebagebo ah mareyso

Cabirka Farta

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maamul-u-sameynta G/Banaadir C/qaadir Maxamuud Walaayo
Khamiis, November 06, 2008(HOL): Guddiga KMG ah ee maamul u sameynta Gobolka Banaadir ayaa wuxuu sheegay in ay meel geba-gebo ah u mareyso howsha maamul u sameynta Gobolka.

Guddoomiye ku xigeenka Guddigaas C/qaadir Maxamuud Walaayo ayaa sheegay in ay kulamadii ugu dambeeyay la leeyihiin Dadka ay khuseyso arrinta maamul u sameynta Gobolka Banaadir, gaar ahaan dadka degan Gobolka, wuxuuna rajeeyay in dhawaan ay bilaaban doonto howsha maamulka loogu sameynayo Gobolka Banaadir.

Guddigan oo ay soo magacawday Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa horay uga dhamaatay muddo loo qabtay in uu ku soo dhiso Maamul ay Dadka soo doortaan oo uu yeesho gobolka, wuxuuna haatan mar kale heystaan muddo kale oo uu siiyay dhawaan Urur Goboleedka IGAD, taasi oo uu siiyay markii Xubnaha Dowladda Federaalka la isugu geeyay Dalka Kenya.

Maamul uu lahaa Gobolka Banaadir oo uu Guddoomiye ka ahaa Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa waxaa la kala diray Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kala dirista maamulkaasna uu keenay khilaaf soo kala dhexgalay madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

Si kastaba waxaa la eegayaa qaabka uu noqdo maamulka ay dhismihiisa qaban-qaabinayaan Guddiga KMG ah ee maamul u sameynta Gobolka Banaadir, tiiyoo aaney caddeyn cidda soo dooraneysa maamulka Gobolka Banaadir.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia