Midowga Yurub oo ku baaqay in la sii daayo Samafalayaal shalay laga af-duubtay Degmada Dhuusa-Mareeb

Cabirka Farta

Louis Michel oo Midowga Yurub u qaabilsan Gargaarka Bani’aadannimada iyo Horumarinta
Khamiis, November 06, 2008(HOL): Ururka Midowga ayaa wuxuu dalbaday in la sii daayo oo xoriyaddooda dib loogu soo celiyo samafalayaal u shaqeynayay Urur la dagaallama gaajada oo la yiraahdo (Action Against Hunger).

Louis Michel oo Midowga Yurub u qaabilsan gargaarka Bani’aadannimada iyo Horumarinta ayaa sheegay in ay si weyn uga walaacsan yihiin xaaladda Afar Samafale iyo labo duuliye oo kaxeynayay diyaarad u kireysneyd Midowga Yurub, kuwaasi oo maalintii labaad ku jiray gacanta kooxihii af-duubtay.

Sarkaalkan u hadlay Midowga Yurub waxaa uu ugu baaqay kooxa qabsaday Shaqaalahaas samafalayaasha ah in ay si deg deg ah ku sii daayaan, wuxuuna sheegay in ay dadkaas ahaayeen kuwo aan wax dembi ah lahayn oo howlo samafal ah u tegay Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in gargaarka Bani’aadannimo ee ay Soomaaliya siiyaan uu yahay mid lagu badbaadinayo dad badan oo ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in doorka midowga Yurub ee kaalmeynta dadka Soomaaliyeed uu yahay mid cad oo dadka dhibaateysan loogu gurmanayo, iyadoo aan la kala sooceynin.

Shalay ayay ahayd markii rag hubeysan ay Magaalada Dhuusa-mareeb ka qabsadeen 6 ruux oo Ajnabi ah oo afar ka mid ah ay ahaayeen shaqaale u shaqeynayay  Urur Samafalka qaabilsan, halka labada kalena ay ahaayeen labo duuliye oo kaxeynayay diyaarad u taalay garoonka Dhuusa-mareeb.

Dadkani la af-duubtay ayaa waxay u kala dhasheen Dalalka Belgium, Poland, France iyo Kenya, waxayna markii la af-duubanayay ku howlanaayeen sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dad ku dhibaateysan deegaanno ka tirsan Gobollada Dhexe.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Dad ka shaqeeya Hay’adaha la af-duubto ama la dilo, waxaana horay uga dhacay falal ceynkaas oo kale ah tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay meesha ka baxday Dowladdii hore ee Soomaaliya ee dadka sharciga ku kala hagi jirtay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia