Majmaca Culumada Soomaaliyeed oo baaq u diray Madaxweynaha cusub ee Mareykanka

Cabirka Farta

Khamiis, November 06, 2008(HOL): Majmaca Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa maanta waxay baaq u direen Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Mr. Barack Hussein Obama.

Guddoomiye ku xigeenka Majamaca Culumada Soomaaliyeed Prof. Axmed Cabdi Dhicisow oo maanta ka qeybgelayay Xaflad looga dhawaaqayay Midow ay leeyihiin Ardayda Soomaaliyeed ayaa madaxweyne Obama ugu baaqay in uu wax weyn ka bedelo siyaasaddii uu Mareykanka kula dhaqmi jiray xiligii Madaxweyne Bush.

Prof. Dhicisow waxaa uu sheegay in Mareykanka uu muddo dheer ka qeyb-qaadanayay dhibaateynta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in canshuurta laga qaado Muwaadiniinta Mareykanka loo adeegsado sidii dadka Soomaaliyeed loo dhibaateyn lahaa.

Guddoomiye ku xigeenka Majmaca Culumaa’udiinka Soomaaliyeed waxaa uu intaas ku daray in Madaxweynaha cusub ee Mareykanka looga fadhiyo inuu wax ka bedelo siyaasadda uu Ameerikaanka kula dhaqmo Qaaradda Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay soo dhaweynayaan doorashadiisa.

Hadalka ka soo baxay Majmaca Culumada Soomaaliyeed ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay uu doorashada Madaxweynenimada Mareykanka ku guuleystay Xisbiga Dimoqraadiga, kaasi oo Musharixiisa Barack Obama uu noqday Madaxweynaha 44aad ee Mareykanka, iyadoo ay xusid mudan tahay in uu weliba yahay nin Madow ah oo asal ahaan ka soo jeeda Bariga Afrika, gaar ahaan Dalka Kenya

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia