![]() |
| Guddoomiyaha Isbaheysiga dib Xoreynta Soomaaliya- Shiikh Shariif Shiikh Axmed |
Guddoomiyaha iyo Wafdiga uu horkacayo ayaa kulan waqti dheer qaatay waxaa ay la galeen Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan ee ka kooban 63-ka Xubnood, waxaana kulanka labada dhinac looga wada hadlay arrimo la xiriira xoojinta Nabad-galyada iyo sidii gacan looga geysan lahaa Nabad ku soo dabaalo guud ahaan Dalka Soomaaliya.
Axmed C/llaah oo dhinaca Warfaafinta u qaabilsan Wafdiga uu horkacayo Shiikh Shariif oo kulanka kadib shir Jaraa'id qabtay ayaa sheegay in Odayaasha Gobalka iyo wafdigu isku af-garteen qodobadii ay ka wada hadleen, gaar ahaan waxaa uu carabka ku dhuftay dhinaca Nabad-galayada oo ah ayuu yiri yoolka Isbaheysiga.
Waxaa uu intaas raaciyay Axmed C/llaahi in Odayaashu codsadeen in wafdigu baaq u jeediyo dhamaan hay'addaha Samafalka si loo gar gaarayo ayuu yiri dadka Soomaalida ah ee dhibaateysan, isaga oo ka dhinaca hay'addaha ugu baaqay in ay arintaa wax ka qabtaan.
Dhinaca kale waxaa uu shirkiisa Jaraa'id ku soo qaaday arrimo la xiriira khilaafka ka dhax jira Saraakiisha Maxkamadaha ee ku sugan Gobalka Hiiraan, waxaana mar la weydiiyay bal in ay wafdiga is arkaan Saraakiisha Maxkamadaha ee diidan heshiiskii dhawaan Jabuuti lagu galay waxaa ayuu yiri "Marka hore waa in aad ogaataan cid kasta oo hadasha u jeetada ay leedahay waa in wax la saxo iyo dadaal oo kaliya, sadaa daraadeed Saraakiishaasi weynu is aragnay meeshana waan ka saarnay mad madwogii jiray” ayuu yiri Axmed C/laahi.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in uu jiro dadaal ay wadaan Culimo sida uu hadalka u dhigay magac iyo qadarinba ku leh dalka kuwaas oo doonaya in ay meel isugu keenaan dhinacayada Isbaheysiga ee fikradda ku kala tagsan ayuu shirkiisa Jaraa'id ku sheegay.
Xubno ka tirsan wafdiga uu horkacayo Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ay wehliyaan Wariyaal ka tirsan TV- Al-jasiira ayaa waabarigii hore ee saakay waxaa ay kormeer ku tageen goobihii magaalada ay ka daganaayeen Ciidamadii Itoobiya gaar ahaan Xerada Jante-kuundisho oo ahayd saldhigii rasmiga ahaa ee Itoobiyaanka.
Waxaana lagu wadaa in sida warar soo baxaya sheegayaan in saacadaha soo socda dhacaan kulamo kale oo uu wafdigu la yeelanayo qeyabaha Bulshada ku dhaqan Gobalka Hiiraan, inkastoo dadka intiisa badan si weyn u hadal hayo goorta Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu dadka meel fagaaro ah kala hadli doono.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
