Khamiis, November 06, 2008(HOL): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaallo hambalyo ah si gooni-gooni ah ugu diray Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Mr. Barack Obama. Waxaanay ugu hambalyeeyeen guusha uu ka soo hooyay tartankii dheeraa ee uu ugu galay Madaxweynenimada Maraykanka.
Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxweynuhu Siciid Caddaani Mooge, Madaxweyne Rayaale waxa uu Warsaxaafadeedkaas uu hambalyada ugu dirayay Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Barkac Obama uu ku yidhi, “Waxa farxad weyn ii ah in aan kuu soo diro Hambalyo kal iyo laab ah, aniga oo kugu hambalyaynaya guusha taariikheed ee aad ku guulaysatay in aad noqoto Madaxweynihii 44-aad ee wadanka Maraykanka. Aniga oo ku hadlaya magaca Xukuumada iyo Shacbiga Somaliland, waxa aanu kuu soo gudbinaynaa hambalyadaasi, iyada oo dhamaantayo ay noo ahayd arrin aanu ku diirsano, kuna faraxno markii la xaqiijiyay daqiiqado ka dib in aad ku guulaysatay Doorashadii Madaxtinimada dalka Maraykanka.
Waxa aan rajaynayaa mustaqbalka soo socda in iskaashigeenu sii xoogaysan doono, isla markaana aynu si wada jir ah uga wada shaqayn doono, si aynu u ilaalino qiimaha iyo qadarinta dadkeena iyo dalalkeenaba. Madaxweynaha la doortayoow , waxa aan kuu rajaynayaa in aad ku guulaysato Masuuliyada balaadhan ee laguu doortay, waxa aan shaki lahayn in madaxnimadaada laguu doortay aanay faa’iido u lahayn dalka Maraykanka kaligii, ee ay noqon doonto mid ay ka faa’iidaystaan caalamka intiisa kale”.
Dhinaca kale, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sidoo kale, dhanbaal hanbalyo ah u diray Madaxweynaha cusub ee loo doortay Maraykanka. “Maraykanku waxay muujiyeen inay run ahaantii yihiin, Ilayskii rajada Dimuquraadiyada iyo Sinnaanta” Weedhahaas ayaa ka mid ahaa dhanbaalka Axmed Siilaanyo waxana uu intaa ku daray oo uu sheegay Gudoomiyuhu oo uu yidhi “Wakhtiga adag ee dhakafaarka ah ee lagu jiro, waxaan guul u rajanayaa hogaamiyaasha cusub ee dunida xorta ah. Waxa kale oo aan rajaynayaa in hogaamiyahan cusub ee Maraykanku uu Albaab cusub u furi doono fursada ah in ay Somaliland aqoonsi hesho in Gobolka lagu soo dabaalo xasilooni iyo nabadgelyo”
Hambalyadan ay direen Madaxweynaha Somaliland iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa ka dambaysay ka dib markii uu shalay ku guulaystay Madaxweynenimada Maraykanka Madaxweynihii u horeeyay ee dhalashadiisu ka soo jeeddo Qaaradda Afrika ama nin madow ahi. Kaas oo badi dadka ku dhaqan Magaalada Hargeisa ay u muuqdeen kuwo taageersan, marka aad eegto sida loo dhuganayay khudbaddii uu jeediyay waxyar uun ka dib markii lagu dhawaaqay inuu Doorashada ku guulaystay, kuwaas oo ka daawanayay TV-yada. Waxaanay ku urursanayeen goobaha Meheradaha ah, si ay u dheehdaan khudbaddii uu shalay jeediyay Barack Obama.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland