Khamiis, November 06, 2008(HOL): Ciidamada Booliska Somaliland ayaa waxay xabsiga dhigeen Ku simaha Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Elman Cali Shiikh Yaasin (Cali Fadhaa), kaasi oo haatan ku xiran Xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa.
C/naasir Shiikh Yaasiin oo ay walaalo yihiin mas’uulka la xiray ayaa sheegay in walaalkiis iyo rag kale oo ka qeybgalka seminaar u tegay Magaalada Hargeysa ay Ciidamada Booliska xireen, wuxuuna caddeeyay in aaney ilaa iyo haatan wax war ah ka heynin xaaladdiisa.
“Waxaa naloo sheegay in isaga iyo rag ay Hotel wada deganaayeen ay habeen hore kaxeysteen Ciidamada Booliska Somaliland, kadibna lagu xiray Xabsiga Dhexe ee Magaalada”ayuu yiri C/naasir Shiikh Yaasiin.
Waxaa uu sheegay C/naasir in uu walaalkiis Cali Shiikh Yaasiin u tegay magaalada Hargeysa in uu ka qeybgalo seminaar halkaas lagu qabtay, wuxuuna sheegay in uu tuhmayo in loo bar tilmaameedsaday in uu ka mid yahay Dadka Koofurta Soomaaliya ka tegay ee Hargeysa jooga, kuwaasi oo tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay qaraxyada ka dhaceen Hargeysa ay Ciidamada Somaliland bilaabeen in ay qaarkood xiraan.
29-kii bishii hore ee aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii qaraxyo waa weyn oo ka dhacay seddex goobood oo ku yaala Magaalada Hargeysa ay ku dhinteen dad 30 ruux ku dhow, kuwaasi oo badankood ahaa kuwo rayid ah oo aan waxba galabsan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia