Ammaanka Baydhabo oo si weyn loo adkeeyay Xildhibaanno ku soo noqonaya darteed

Cabirka Farta

Khamiis, November 06, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in ammaanka magaaladaas si weyn loo adkeeyay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Ciidamo Boolis iyo Mileteri isugu jira lagu soo daadiyay gudaha Magaalada, kuwaasi oo gebi ahaanba joojiyay dhaqdhaqaaqii dadka iyo ganacsiga ee magaalada.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Gobolka Bay Col. Aadan  Biid ayaa sababta ammaanka magaalada loo adkeeyay ku fasiray in ay la xiriirto Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo dib ugu soo noqonaya Magaalada Baydhabo.

“Inta ay Xildhibaannada ka soo wada noqonayaan Ciidamadu waxay wadi doonaan Howlgalladooda, waxaana taasi uga dan leenahay in aysan dhicin wax nabadgelyo darro ah”ayuu yiri Col. Aadan Biid.

Wararkii ugu dambeeyay ee  naga soo gaaray magaalada Baydhabo-na waxay sheegayaan in ku dhawaad 30 Mudane ay maanta gelinkii dambe dib ugu soo laabteen magaaladaas oo xarun KMG ah u ah Baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo ka soo amba baxay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa dhawaanahan wuxuu ammaankeeda ahaa mid aan hagaagsaneyn, waxaana ka dhacayay, dilal, qaraxyo iyo weerarro madaafiic loo adeegsaday oo ay kooxaha ka soo horjeeda dowladda ku qaadeen fariisimo ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia