Qaramada Midoobay oo sheegtay in Wada Hadalladii Jibouti uga socday dhinacyada Soomaalida ay horumar sameyn waayeen

Cabirka Farta

Wakiilka Xoghayaha guud ee Q/Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdalla
Axad, June 08, 2008(HOL): Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdalla oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Djibouti ayaa wuxuu rajo xumo ka muujiyay wada hadalladii todobaadka ka badan dhinacyada Soomaalida uga socday Hotelka Kempinski ee Magaalada Djibouti.

Ahmed Ould-Abdallah waxaa uu sheegay in uu  ka xun yahay Soomaaliya in ay dhibaato hor leh gasho, in uu shirka is-mari waa’ uu galay, in dhibaatadii Soomaaliya ee soo jiitameysay aawgeed ay dhacday kalsooni darro, isla markaana ay suurtageli weysay in wax horumar ah laga gaaro wada hadalladii socday.

Danjire Ould-Abdallah oo afkiisa ka dhowray in uu si cad u sheego in uu shirka burburay hadana wuxuu sheegay in ergooyinka Beesha Caalamka ka socday ay Jibouti ka duuleen, isagana uu maalinta berri ah Nairobi ku noqon doono, wuxuuna sheegay in horumar la’aantaas ay timid kadib markii dhinacyada Soomaalida ay isu tanaasuli waayeen, isla markaana ay ku adkeysteen mowqifyadii ay kala wateen markii uu shirka furmayay.

Mar la weydiiyay in shirka ay u dhamaatay iyo in mar kale la isu keeni doono dhinacyada Soomaalida waxaa uu sheegay in ay taasi dhici karto, wuxuuse niyad xumo ka muujiyay sida aaney dhinacyada Soomaalida ee shirka loo qabtay u dooneynin in ay xal ka gaaraan khilaafaadyada u dhaxeeya.

Hadalka uu sii daayay Diblumaasigan ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maanta uu magaalada Muqdisho ka dhacay dagaal xooggan oo dhexmaray xoogag kala taabacsan dhinacyada shirka loogu qabtay Magaalada Djibouti.

Ugu dambeyntiina, dhinacyada Shirka loogu qabtay Jibouti oo kala ah Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa waxay shirka la tageen shuruudo is-diidaya oo kala ah in Ciidamada Itoobiya Soomaaliya laga saaro iyo in inta aan Itoobiyaanka la saarin marka  hore heshiis la gaaro.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia