Madaxweynaha oo fuliyey go’aan laga wel wel qabay inuu hirgalo

Cabirka Farta

Axad, 08 June 2008 (HOL): Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Isniinta berri ah isugu iman doona fadhi aan caadi ahayn oo ay kaga wada hadli doonaan ansixinta heshiiskii ay dhawaan wada-jirka u gaadheen Xukuumadda iyo labada Xisbi Mucaarad, kadib markii M/weyne Rayaale u gudbiyay.

Golaha Wakiillada ayaa fadhigan aan caadiga ahayn isugu iman doona 9:00 subaxnimo ee maalinta berri ah, toddobaad kaliya uun ka dib markii ay fasax galeen. Isla markaana waxa fadhigani ku soo beegmay waqti ay Guddomiyihii iyo guddoomiye-xigeenkii Goluhu ay socdaal ugu maqan yihiin Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Kaas oo uu ku-sime ka yahay Shirguddoonka Golaha Guddoomiye-xigeenka 2-aad Md. Baashe Maxamuud Faarax.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed shalay ka soo baxay Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Shirguddoonka Golaha Wakiilladu waxay isugu yeedheen Xildhibaanada fadhigan oo aan caadi ahayn. “Shirguddoonka Golaha Wakiilladu wuxuu ku wargelinayaa Mudanayaasha Golaha Wakiillada inay isugu yimaadaan kal-fadhi aan caadi ahayn maalinta Isniinta (berri) ee bishu tahay 09/06/2008, saacaddu markay tahay 9:00 subaxnimo” ayaa lagu sheegay Warsaxaafadeedkaas. Waxaanu Warsaxaafadeedkaasi intaa ku sii daray, oo uu u dhignaa, “Haddaba, waxa lagu adkayna Mudanayaasha Golaha Wakiillada inay waqtiga dhawraan, iyada oo ay Golaha horyaalaan hawlo qaran oo muhiim ahi”

Yeedhmada laysugu yeedhay Xildhibaanada Golaha Wakiillada, ayaa waxay ka dambaysay ka dib markii ay 1-dii bishan saddexda Xisbi Qaran heshiis ka gaadheen muranadii Siyaasadeed.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland