Horyaalka Kubadda Gacanta Somalia oo la soo gebagebeeyay

Cabirka Farta


Abaal-marinno kala duwan oo la siiyay Kooxihii, Ciyaartoydii, Garsoorayaashii iyo Tababarayaashii  ka qeybgalay Tartanka Horyaalka

Axad, June 08, 2008(HOL): Waxaa lagu soo gebagebeeyay Garoonka Kubadda Kolayga 1-da Luulyo (Ex-Luujino) Horyaalkii 10aad ee Wiilasha Kubadda Gacanta Soomaaliya iyo Horyaalkii 3aad ee Gabdhaha Kubadda Gacanta Soomaaliya.

Horyaalka oo horay loo soo gebagebeeyay ayaa waxaa xaflad koobab iyo abaal-marinno kale  lagu bixinayay loogu qabtay Garoonka Kubadda Kolayga 1-da Luulyo (Ex-Luujino), iyadoo sidoo kalena ay halkaas ka dhacday ciyaar dhexmartay Kooxaha Halgan iyo Heegan ee Gabdhaha Kubadda Gacanta Soomaaliya.

Aamino Abuukar (Aamow), oo loo gartay in ay tahay Gabadhii ciyaarta (girl of the game)
Ciyaartaas oo ay daawashadeeda ka qeybgaleen Dadweyne aad u fara badan iyo mas’uuliyiin ka socotay Guddiga Olombikadda Soomaaliyeed ayaa waxay ku soo idlaatay waqtigii loogu talagalay 11 Gool oo ay la timid Kooxda Heegan iyo 8 Gool oo la timid Kooxda Halgan.

Ciyaarta oo ahayd mid xiiso badan waxaa ka dhex muuqatay oo ay daawadayaashii ciyaarta si weyn ugu sacab tumayeen Gabar u ciyaareysay Kooxda Heegan oo lagu magacaabo Aamino Abuukar Ibraahim (Aamow), taasi oo loo gartay in ay tahay Gabadhii ciyaarta (girl of the game).

Intaas kadib waxaa ka hadlay Xafladdii Koobabka lagu bixinayay mas’uuliyiin ka socotay Guddiga Ololmbikada Soomaaliyeed oo aan ka xusi karna Guddoomiyaha GOS C/qaadir Ibraahim Gacal Abkow iyo ku xigeenkiisa Aadan Xaaji Yabarow Wiish.

Guddoomiyaha GOS C/qaadir Ibraahim Gacal Abkow
Guddoomiyaha GOS waxaa uu sheegay in uu si weyn ugu faraxsan y ahay in uu ka qeybgalo xafladda gunaanadka Horyaalka Kubadda Gacanta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay rajo gelineyso in maanta ay Soomaaliya ka jiraan Kooxo kala duwan oo ka qeybqaadanaya tartamo Isboorti oo la mid ah kuwa ay qabtaan Dalalka horay u maray.

“Ciyaartoyda ka qeybgashay tartanka waxaan kula talinayaa in aysan ka daalin Ciyaaraha Isboortiga, sababtoo ah Isboortiga waa meesha kaliya ee ay dadka isugu imaan karaan, isla markaana ka fiyow wax kasta oo dhibaato keeni kara, marka waxaan leeyahay aad baan idinkaga mahadcelineynaa dadaalka ay muujineysaan ee sii wada”ayuu yiri C/qaadir Ibraahim Gacal Abkow oo sidoo kale ciyaartoyda faray in ay Isboortiga uga qeyb-qaataan nabadeynta Dalka.

Waxaa isna xafladda ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo isna sheegay in uu ka faraxsan yahay in uu ka soo qeybgalo xafladda lagu soo gunaanado horyaalkii Kubadda Gacanta Soomaaliya, wuxuuna intaas kadib uu ciyaartoydii tartanka ka qeybgashay u sheegay in ay mustaqbal wanaagsan ku leeyihiin Ciyaarta Kubadda Gacanta, ayna sii wadaan dadaallada ay muujinayaan.

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda gacanta Soomaaliya Maxamed Xuurshe Xasan (Eenow)
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda gacanta Soomaaliya Maxamed Xuurshe Xasan (Eenow) ayaa isna hadal kooban ka jeediyay Xafladdii xiritaanka, wuxuuna sheegay in ay guul u tahay in uu soo gebageboobay Tartankii Horyaalka 10aad ee Wiilasha Kubadda Gacanta Soomaaliya iyo Tartankii Horyaalka 3aad ee Gabdhaha Kubadda Gacanta Soomaaliya, wuxuuna intaas kadib mahadcelin u jeediyay Kooxihii, Ciyaartoydii, Garsoorayaashii iyo Tababarayaashii  ka qeybgalay Tartanka Horyaalladaas, kuwaasi oo uu sheegay in dadaal muujiyeen, isla markaana ay ku ammaanan yihiin.

Sidoo kalena, wuxuu mahadcelin u jeediyay Dadweynihii ka soo qeybgelayay tartankii Horyaalladaas, kuwaasi oo uu sheegay in aysan marna ka caajisin ka soo qeybgalka Horyaalladii uu qabtay Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Gacanta.

Intaas kadib waxaa la bixiyay abaalmarinno isugu jiray Koobab, Billado, Kubaddo iyo Dhar, kuwaasi oo la kala siiyay Kooxihii, Ciyaartoydii, Garsoorayaashii iyo Tababarayaashii  ka qeybgalay Tartanka Horyaalladii 10aad iyo 3aad ee Kubadda Gacanta Soomaaliya.

SIDA LOO BIXIYAY ABAALMARINNADA

Kooxaha



Kooxda Heegan ee Wiilasha oo ku guuleystay Horyaalka 10aad ee Wiilasha Kubadda gacanta Soomaaliya  iyo Kooxda Heegan ee Gabdhaha oo ku guuleystay Horyaalka 3aad ee Gabdhaha Kubbadda Gacanta Soomaaliya ayaa waxaa la guddoonsiiyay Koobab, halka Kooxda Horseed ee Wiilasha iyo Kooxda Halgan ee Gabdhaha ay ku guuleysteen kaalinta labaad.

Garsoorayaasha


Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Gacanta waxaa uu abaalmarinno isugu jiray Bilado iyo Dhar guddoonsiiyay Garsoorayaashii dhexdhexaadinayay labadaas tartan, kuwaaasi oo kala ah Maxamed Xuseen Fiidow, C/raxmaan Suufi Karaama iyo Ibraahim Xaamud Mahad.

Tababarayaasha la abaal-mariyay


Waxaa iyana Billado la guddoonsiiyay Tababarayaasha Kooxihii Tartanka Horyaalladaas ka qeybgalay, kuwaasi oo kala ahaa Daa’uud Diiriye Fiidshe, Maxamuud Xuseen Cariif, Iidow Shiikh Axmed iyo Saciid Bootaale.

Ciyaartoyda la abaal-mariyay


Ciyaartoydii ku guuleystay gool-dhalintii horyaalladaas iyo kuwo ciyaar wanaag muujiyay ayaa iyana la siiyay abaal-marin kala duwan, waxaana ciyaartoydaas ka mid ah Ibraahim Xuseen Muuse oo qaaday Gool-dhalintii Horyaalka 10aad ee Wiilasha Kubadda Gacanta Soomaaliya, kaasi oo dhaliyay 32 gool iyo Fartuun Maxamaed C/raxmaan oo iyadana ku guuleysatay Gool-dhalinta Horyaalka 3aad ee Gabdhaha Kubadda Gacanta Soomaaliya taasi oo iyadana dhalisay 31 gool, halka iyadana la abaal-mariyay Kaaho Maxamed Axmed oo noqotay Gool-hayihii ugu fiicnaa ee hadana ugu da’da yaraa.

Ugu dambeyntiina, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya oo aanu ammaankeeda hagaagsaneyn, isla markaana ay ka dhacaan dilal, qaraxyo iyo dagaallo ayaa dhinaca kale waxaa ka jira dhaqdhaqaaqyo muujinaya nabad iyo is-dhexgal bulsho, kaasi oo ay waddo bahda Isboortiga Soomaaliyeed.




Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia