Axad, June 08, 2008(HOL): Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ku taala Wadada koowaad ee Suuqa Bakaaraha ayaa maanta waxaa ku dhacay madfac waxyeello u geystay qeybta firdhisada Shirkaddaas, iyadoo taasina ay keentay in ay si hagaagsan u shaqeyn waayaan Taleefoonnada gacan-qaadka ah ee Mobiles-ka.
C/rashiid Cali Gadiid oo ka mid ah mas’uuliyiinta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in madfac ku soo dhacay qeybta sare ee dhismaha Shirkadda Hormuud uu waxyeello gaarsiiyay qeybta firdhisada Shirkadda, gaar ahaan tan Mobile-ka uu madfacaas waxyeello gaarsiiyay, sidoo kalena ay waxyeello gaareen fiilooyin waa weyn oo ay Shirkadda u isticmaaleysay qeybtaas.
C/rashiid Cali waxaa uu sheegay in ay guddi u saareen soo qiimeynta khasaaraha soo gaaray Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ka mid ah seddex Shirkadood oo adeeg Isgaarsiineed ay ka helaan Dadka Soomaaliyeed.
Markii uu madfacaas ku dhacay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa waxaa mar kaliya howl-gab noqday oo shaqeyn waayay Taleefoonnada gacan-qaadka ah ee Shirkaddaas, inkastoo haatan ay mas’uuliyiintaas Shirkadda sheegayaan in ay farsamayaqaanno ku howlan yihiin sidii qeybta Taleefoonnada mobile-ka dib loogu howl-gelin lahaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia