Axad, June 08, 2008(HOL): Waxaa saaka lagu aasay magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose Wariye Nasteex Daahir Faaax oo xalay kooxo hubeysan ay ku dileen gudaha magaaladaas.

Wariye Nasteex Daahir Faaax oo xalay Kooxo hubeysan ay dileen
Aaska Marxuumka waxaa ka qeybgalay Dad aad u fara badan oo isugu jiray Qoyskii Eheladii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday iyo weliba mas’uuliyiinta gacan ku heysa Magaalada Kismaayo.
Yaasiin Nuur Gaas, Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda Beesha Sade oo wax laga xumaado ku tilmaamay dilka Wariye Nasteex ayaa wuxuu sheegay in la baarayo dadkii ka dambeeyay dilkiisa, wuxuuna sheegay in haddii la soo helo tallaabo sharci ah laga qaadi doono.
Wariye Naseex ayaa intii uusan geeriyoon wuxuu kalkaaliyayaashii gargaarka deg deg ah u sameynayay u sheegay in ay rasaas ku fureen labo nin oo ku hubeysan qoryaha AK47, kuwaasi oo markii ay toogteen kadib baxsaday.
Marxuumka oo markii hore dhaawac ahaan loogu qaaday Isbitaalka Magaalada Kismaayo ayaa wuxuu gudaha Isbitaalka ugu geeriyooday dhiig-bax daran sabab la xiriirta rasaas badan oo ku dhacday.
Dilka Wariye Nasteex Daahir Faarax ayaa marka laga soo tago Qoyskiisa iyo Hay’adihii Warbaahineed ee uu la shaqeynayay waxaa si weyn uga naxay Wariyayaasha ka howlgala Magaalada Kismaayo, kuwaasi oo qaarkood uu sabab u ahaa in ay Bahda Saxaafadda ka mid noqdaan.
Alle ha u naxariistee Wariye Nasteex wuxuu ka geeriyooday Xaas leh Uur 6 Bilood ah taasi oo lagu magacaabo Idil Farey iyo wiil 10 bilood jir ah, wuxuuna ahaa 26 sano jir howl-kar ah oo u shaqeynayay Idaacadda BBC-da iyo Wakaaladda Wararka AP.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia