Wararkii ugu dambeeyay Dagaal maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Axad, June 08, 2008(HOL): Dagaal xooggan oo maanta ka dhacay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa wuxuu sababay dhimashada dad ka badan 10 ruux iyo dhaawac 50 ruux kor u dhaafaya, kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo ay guryahooda ugu tageen madaafiic iyo rasaas habow ah.

Dadka dhintay ayaa waxay ku sugnaayeen gudaha iyo hareeraha Suuqa Bakaaraha, halkaasi oo ay ugu tageen madaafiic ay adeegsanayeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo saaka gudaha u galay Waddooyinka 30-ka iyo Wadnaha oo Waqooyi iyo Koofur ka kala mara Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya.

Dadka dagaalkan ku dhawacmay oo tiradooda kor u dhaafeyso 50 ruux ayaa 45 ka mid ah oo isugu jiray Caruur, Dumar iyo Rag  waa weyn waxaa la dhigay  Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, waa sida uu ku waramay Daahir Maxamed Maxamuud (Daahir Dheere) oo ka mid ah Howl-wadeennada Isbitaalkaas.

Marka laga soo tago dhimashada iyo dhaawaca uu geystay dagaalka waxaa kale oo uu sababay burbur soo gaaray dhismooyin ku yaala Suuqa Bakaaraha, kuwaasi oo isugu jira Dukaamo, Bakhaarro iyo Xarumo Shirkadeed.

Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) ayaa sheegay in 50 madfac ay maanta ku dhaceen Suuqa Bakaaraha, wuxuuna sheegay in ay madaafiicdaas geysteen dhimasho, dhaawac iyo bur bur hantiyeed.

Cali Dheere waxaa uu cambaareeyay duqeyntii maanta loo geystay Suuqa Bakaaraha oo uu sheegay in uu yahay meel ay ku ganacsadaan dad masaakiin ah oo subax walba u soo shaqo taga in ay helaan nolol maalmeedkooda.

Ugu dambeyntiina, Dagaalkan ayaa saaka wuxuu qarxay kadib markii Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira ay gudaha u galeen Waddooyinka 30-ka iyo Wadnaha, iyadoo kadibna ay dagaal kala hor-yimaadeen Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia