Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay laba nin oo Ajaanib ah oo Ciidamada Somaliland ka qabteen Laasqoray

Cabirka Farta

Axad, 08 June 2008 (HOL): Masuuliyiinta heer gobol iyo Xukuumadda dhexe ee Somaliland, ayaa ka hadlay laba nin oo Ajaanib ah oo ay Ciidamada Somaliland, ku qabteen  deegaanka Laasmacaan, oo ku dhaw Degmada Laasqoray ee bariga Gobolka Sanaag.

Ciidamada Somaliland ayaa lix qof, oo laba ka mid ahi Ajanab yihiin, afarta kalena ay Soomaali yihiin shalay ku soo qabtay deegaanka Laasmacaan, oo ku dhaw Degmada Laasqoray ee bariga Gobolka Sanaag. Lixdan qof, oo Ciidamada Qaranku ay gacanta ku soo dhigeen ayaa afar ka mid ahi u dhasheen Soomaali, laba ka mid ahina dhalasho ahaan ay ka soo jeedaan Wadamada Yemen iyo Shiinaha. Hase ahaatee, afarta qof ee dhalasho ahaan Soomaalida ahaa waxa ay Ciidamadu kaga yimaadeen isla aaggii ay ka soo qabteen, halka ay labada kalena u soo gudbiyeen dhinaca Magaalo Madax-da Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, waxaana gacanta ku haya Ciidamada Xabsiga Magaalada Ceerigaabo oo ay ku xidhanyihiin hadda. Waxase wararka qaar sheegayaan in loo soo gudbiyay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Cabdillaahi Cali Ibraahin, ayaa ku sheegay in ay dadkani si sharci-darro ah u soo galeen xuduudka Somaliland, isla markaana ay shiidaal iyo Macdan ka baadhayeen deegaano aan loo ogolaan, sidaana ay ku soo qabteen Ciidamada Qaranka Somaliland. Hase yeeshee, waxa arrintaa gaashaanka ku dhuftay Wasiirka Amniga ee Maamul-goboleedka Puntland Cabdillaahi Siciid Samatar, oo ku dooday in  ay dadkan la soo qab-qabtay ahaayeen Kaluumaysato fasax ka haystay maamulka Puntland.

Maayarka Magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, ayaa isaguna sheegay in ay nimankani ahaayeen kuwo si qayral-sharci ah u soo galay gudaha dalka Somaliland, “Nimankani si qayral-sharci ah ayay dalka u soo galeen, Ciidanka Somaliland ayaana gacanta ku dhigay iyaga oo ku sugan meel la yidhaahdo Laasmacaan, oo ka tirsan Deegaanka Laasqoray, waxaananu qabnaa anagu in ay nimankaasi yihiin niman dalka baadhanayay oo Macdan guranayay.” Ayuu yidhi Duqa Magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur. Waxaanu sheegay in ay wakhti dambe ka bixin doonaan tafaasiil faaf-faahsan oo ku saabsan sababta dadkan loo haysto balse waxaa uu carabka ku adkeeyay in ay yihiin dambiilayaal ku soo xadgudbay Ciidda Somaliland. Waxaanu intaa ku daray Maayarka Ceerigaabo, in ay baadhista labadan nin ee Ajanabka ah lagu guda jiro hadda.

Wararku waxay sheegayaan in labadan nin mid ka mid ahi u dhashay Dalka Yaman, C/kariin Xaddaad iyo Kuwan Sanwein oo u dhashay dalka China.  Nimankaas waxa la sheegay inay ka soo dageen magaalada Boosaaso oo wakiilkooda oo magiciisa ay ku soo gaabiyeen Fu’aad uu degan yahay. Labadan nin ee maxaabiista ahi waxa ay ku doodeen inay deegaankaa u yimaadeen Arrimo ganacsi, gaar ahaan Kaluumaysi, hase ahaatee maamulka Gobolka Sanaag iyo saraakiisha Ciidanka Somaliland, ayaa arrintaa ku tilmaamay mid aan jirin maadaama ayay yidhaahdeen lagu qabtay xubnahan Buuro dhexdood.
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland