Axad, June 08, 2008(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa maanta wuxuu cambaareeyay duqeyn ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ay ka geysteen Suuqa Bakaaraha.
Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa wuxuu sheegay in wax aan horay loo arkin ay tahay in madaafiic lagu duqeeyo Suuqa Bakaaraha oo ah meesha kaliya ee ay taallo hantida dadka Soomaaliyeed.
“Duqeynta maanta loo geystay Suuqa Bakaaraha waa mid aan loo dul-qaadan karin, waana cambaareyneynaa, waxaana ka dambeeya duqeyntaas Ciidamada Itoobiya iyo Ciidamada kuwa adeegaya”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo sheegay in uu tacsi u dirayo dadkii ay dhibaatada ka soo gaartay duqeyntaas.
Maxamed Xasan Xaad, Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye waxaa uu sheegay in ay wax laga xumaado tahay in marka ay nabadda soo dhowdahay ay soo baxaan falal nabaddaas lagu carqaladeyno, sidaas darteedna wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay aayahooda ka tashadaan.
Maxamed Xasan Xaad oo sii hadlayay waxaa uu baaq u diray Beesha Caalamka iyo dhinacyada Soomaalida ah ee ku shirsan Dalka Jibouti, wuxuuna Beesha Caalamka ka codsaday in ay soo farageliso dhibaatada lagu hayo Shacabka Soomaaliyeed, halka uu dhinacyada ku shirsan Dalka Jibouti-na ugu baaqay in ay ka hadlaan dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia