Madaxweyne Xasan Sheikh oo kulan gaar ah la yeeshay qaar kamid ah Dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir

Cabirka Farta

Axad, December 28, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa diiradda lagu saarayay ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka, gaar ahaan xaaladda ka dhalatay tallaabo ay dowladda Israa’iil ku shaacisay arrimo la xiriira Somaliland.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay qorshaha dowladda federaalka ee ku aaddan ka hortagga waxa ay ku tilmaantay xadgudub ku wajahan qarannimada Soomaaliya, iyadoo la isku waafaqay in jawaabtu noqoto mid ku dhisan waddooyin diblomaasiyadeed iyo xeerarka caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda federaalka, iyada oo kaashanaysa shacabka, ay xoojisay dadaallada lagu ilaalinayo midnimada dalka iyo madaxbannaanidiisa, isla markaana ay muhiim tahay in si mideysan loo wajaho tallaabo kasta oo wiiqi karta jiritaanka qaranka.

Madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, Waqooyi-bari iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulanka ka qeyb galay, ayaa si wadajir ah u adkeeyay in Somaliland ay ka mid tahay dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxay sidoo kale ka digeen cawaaqib amni iyo mid siyaasadeed oo ay yeelan karto tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo lagu beddelayo xaaladda sharci ee dalka, iyagoo muujiyay taageerada ay u hayaan dadaallada diblomaasiyadeed ee dowladda federaalka ka waddo gudaha iyo dibadda.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay jireen falcelinno ballaaran oo gudaha iyo dibadda ah oo ku aaddan xadgudubka Israaiil ee aqoonsiga maamulka Somaliland.

In ka badan 20 waddan iyo ururo caalami ah ayaa ka horyimid go’aanka Israaiil, iyagoo ku tilmaamay tallaabo kasoo horjeedda madax bannaanida iyo qaranimada Soomaaliya. 

Israaiil ayaa loogu baaqay inay si degdeg ah uga laabato aqoonsiga Somaliland, iyadoo Golaha Amamankuna uu burrito ka fariisandoono ka jawaabidda tallaabada Israaiil ku dhaqaaqday.