Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumaddiisa oo kormeer ku tegay Dekedda Muqdisho

Cabirka Farta

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya (Dhexda)-Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke iyo wafdi uu hoggaaminayo
Axad, March 01, 2009(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxay kormeer ku tageen Dekedda weyn ee Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa kormeerka uu ku tegay Dekedda waxaa ku wehlinayay ku xigeenkiisa, ahna Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Shiikh Aadan, Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Talisyada Ciidamada Dowladda iyo maamulka gobolka Gobolka Banaadir.

Markii uu Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha tegay Dekedda Muqdisho ayaa waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiinta Dekedda, wuxuuna kadib booqday qeybaha kala duwan ee Dekedda, isagoo u kuur-gelayay sida ay tahay Dekedda iyo weliba sida ay howlaha uga socdaan.

Kormeerka uu Ra’iisal Wasaaraha ku tegay Dekedda Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaanahan ay cabashooyin ka soo baxayeen gaadiidleyda Dekedda ka shaqeysa, kuwaasi oo ka cabanayay lacago xad-dhaaf ah oo gudaha Dekedda looga qaado.

Dekedda Muqdisho oo ay si rasmi ah u howlgeliyeen Maxkamadihii Islaamka bartamihii sanadkii 2006 ayaa waxay tahay isha uu ka soo xaroodo dhaqaalaha ugu badan ee soo gala hadba maamulkii loo soo magacaabo Dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaana iska cad in ishaas dhaqaale ay tahay mid la wada eeganayo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia