Taliye cusub oo maanta loo magacaabay Ciidamada daraawiishta Puntland

Cabirka Farta

Axad, March 01, 2009(HOL): Madaxwaynaha DGPL C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta magacaabay taliyaha ciidanka daraawiishta ee DGPL kadib digreeto uu ka soo saaray xafiiskiisa magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Digreetadan ayaa u qornayd sidan soo socota

Xeer Madaxweyne Lr 15 , Feburuary 28 ,2009 kuna saabsan Magacaabida Taliyaha Ciidanka Daraawiishta.

Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland

Marku arkay Dastuurka DGPL qodobkiisa 54aad faqradiisa 19aad
Markuu arkay Aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa ciidan

Wuxuu Xeeriyey.

1 Waxaa loo magacaabay G/sare Siciid Cabdi Farax ( Tuute-weyne) Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland

2 Xeerkani waxuu dhaqan galayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo

Dr Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole
Madaxweynaha Dowladda Puntland

Docda kale Madaxwaynaha DGPL oo khudbad ka jeediyay xerada ciidamada ee magaalada Garowe ayaa amar ku bixiyay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo dhiso ciidamada daraawiisha ,waxaana dhamaan saraakiisha Puntland ay soo dhaweeyeen digreetada uu ku magacaabay taliyaha ciidamada daraawiishta .

Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia