![]() |
| Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Cusmaan Cilmi Boqorre |
Cusmaan Cilmi Boqorre waxaa uu sheegay in ay Dowladda Soomaaliya Dalka ku dhaqeyso Shareecada Islaamka, sidaas darteedna wuxuu ugu baaqay dadka mucaaradsan Dowladda in ay fursad siiyaan in ay Shareecada Islaamka dalka ku xukunto.
“Shareecada Islaamka in dalka lagu xukumo ma ahan arrin baryo ah, waana san-dullo, marka waxaan leeyahay ha deg degina qolyaha raba in shareecada Islaamka Dalka lagu xakumo”ayuu yiri Cusmaan Cilmi Boqorre oo sheegay in uu isagu shakhsi ahaan dhowr jeer ku baaqay in Shareecada Islaamka dalka lagu xukumo.
Waxaa uu soo dhaweeyay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka baaq ay dhawaan soo saareen culumaa’udiinka musaalaxada, kuwaasi oo ugu baaqay Baalamaanka Midnimada Qaran ee Soomaaliya in uu meel mariyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
“Baarlamaanka Sooamaliya waxaa la gudboon in uu meel-mariyo baaqa ka soo baxay Culumaa’udiinka Soomaaliyeed, waxayna mudan yihiin in la soo dhaweeyo oo la taageero”ayuu mar kale yiri Cusmaan Cilmi Boqorre oo sheegay in uu shakhsi ahaan taageersan yahay kooxaha u dagaallamaya in shareecada Islaamka dalka lagu xukumo balse uu ugu baaqayo in ay xabadda joojiyaan.
Hadalka uu sii daayay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa wuxuu ku soo beemayaa iyadoo kooxo badan oo ka soo horjeeda Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ay ku doodayaan in ay dagaallamayaan illaa shareecada Islaamka looga xukumayo dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
