Maamullo ka taliya Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Gedo oo mamnuucay in la dhigo lagu xusayo Dhalashada Nabi Muxamed

Cabirka Farta

Axad, March 01, 2009(HOL): Maamullo Islaami ah oo ka taliya Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Gedo ee dalka Soomaaliya ayaa waxay mamnuuceen in degmooyinka hoos-yimaada maamulladooda lagu qabto xaflado lagu maamuusayo dhalashadii Nabigeena Muxamed NNKH.

Shiikh Faarax Abuu Shureym oo u hadlay maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Gobolka Gedo, gaar ahaan magaalada Baardheere ayaa sheegay in aaney aqbali doonin in deegaannada uu maamulkooda ka taliyo aan laga dhigi doonin wax xaflad ah oo Mowliidka Nabiga ku saabsan, wuxuuna sheegay in xaflad u sameynta dhalashdada nabiga ay tahay mas’alo aaney shareecada Islaamka banneynin.

Sidoo kalena Xuseen Xaaji Cabdi Xasan Aw-gaab oo ah Madaxa Arrimaha Bulshada Maamulka Islaamiga ah ee ka taliya magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa isna sheegay in ay joojiyeen in la dhigo xaflado loo sameynayo dhalashada Nabi Muxamed NNKH, wuxuuna sheegay in ciddii amarkooda u hoggaansami weysa ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Amarka ay soo saareen Maamullada labdan gobol ka taliya ayaa waxaa ka soo horjeestay culumaa’udiin ka tirsan dariiqada Ahlu Sunna Wal-jamaaca, waxayna sheegeen in aysan aqbali doonin in laga hor-istaago weyneynta dhalashada Nabi Muxamed NNKH, isla markaana ay sameyn doonaan xuska Nabiga.

Gobollo dhowr ah oo ku yaala Koofurta Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Jubbooyinka, Bay iyo Bakool iyo Shabeelada Hoose ayaa waxaa ka taliya Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo ka mid ah Xoogagga ka dagaallama Soomaaliya, waxaana maamullo gobolladaas ka jira ay dadka ku soo rogeen amarro ay ka mid yihiin in aan hubka lagu dhex wadin karin Magaalooyinka ay ka taliyaan, in aaney Gaadiidka Dadweynaha isla raaci karin Ragga iyo Dumarka iyo Amarro kale oo ay kula dagaallamayaan waxyaabaha xun xun ee aaney shareecada Islaamka ogoleyn.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia