Axad, March 01, 2009(HOL): Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa maanta shaaca ka qaaday in aanay aqbali doonin haddii aan Doorashada Madaxtooyada Somaliland dhicin waqtiga hore loogu cayimay ee 29-ka bisha March ee sanadkan, waxaanay sheegeen in aanay Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa aqoonsanaan doonin wixii waqtigaa ka dambeeya.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta dhexe ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in aanay Xisbi ahaan ku qanacsanayn soo-jeedin iyo soo-bandhigid ay shalay Komishanka Doorashooyinka Somaliland ku sheegeen in ay Doorashada ku qaban karaan muddo 95 maalmood ah, taas oo ay Kulmiye ku tilmaameen mid aan la aqbali karin. “Xukumaddu waxay jebisay heshiiskii 8-da qodob ka koobnaa ee ay hore u wada gaadheen saddexda Xisbi iyo Xukuumaddu.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Kulmiye.
Shalay ayay ahayd markii Dhinacyada ay khusayso doorashada Madaxtooyada Somaliland ay kulan ka yeesheen geedi-socodka waqtiga hawlaha doorashada iyo cayimaada cusub ee maalinta doorashada. Kulankaas oo shalay saacado badan ka socday Hotel-ka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaa ka qaybgalay wakiilo ka kala socday saddexda xisbi, Guddiga doorashooyinka iyo hay’adda Interpeace oo la shaqaysa Komishanka qaranka.
Inkastoo kulankaasi ahaa mid Saxaafadda laga fogeeyay, haddana siday sheegeen qaar ka mid ah dhinacyadii ka qaybgalay, waxa lagu lafo-guray qoraal la xidhiidha jadwal-hawleedka doorashada Madaxtooyada iyo sidii laysula meel-dhigi lahaa cayimaada waqtiga ay ku qabsoomi karto doorashadu, maadaama ay muuqato in aanay ku qabsoomi karin xilligii hore loogu heshiiyay ee 29 March 2009. Waxaanay Komishanku sheegeen in 95 maalmood ku qaban karaan Doorashada, taas oo ka dhigaysa in Doorashadu dib u dhacayso 3 bilood.
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland