Axad, March 01, 2009(HOL): Golaha Odayaasha Dhaqanka Goballka Hiiraan oo maalmihii aynu soo dhaafnay kulamo is-daba joog ah ku lahaa Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Goballka Hiiraan ayaa si weyn u soo dhaweeyay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ee ahaa in ay ka go'an tahay Dowladiisu ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
Odayaasha dhaqanku waxaa ay intaa raaciyeen in Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu muujiyay mas'uuliyada uu u hayo shacabka Soomaaliya kadib markii uu sheegay in uu kala hadlay Ciidamada AMISOM in aysan isticmaalin hub wax yeelo geysan kara marka la soo weeraro, waxaana ay intaa ku dareen in aysan jirin micno kooxaha ka soo horjeeda u weeraraan Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed.
'' Mar hadii uu Madaxweynuhu sheegay in dalka lagu dhaqayo Shareecada Islaamka, sabab dagaal loo sii wado waxaa u aragnaa mino la'aan ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen Odayaasha oo dhinaca kale soo dhaweeyay dadaalka Culimada Soomaaliyeed.
Golaha Odayaasha dhaqanka Goballka Hiiraan waxaa ay bogaadiyeen doorka Culimada Soomaaliyeed ee ka miro dhalinta Nabada, iyaga oo intaa raaciyay in dhinayada oo dhan hadii ay ahaan lahaayeen Mas'uuliyiinta Dowladda iyo kuwa ka soo horjeedaba looga baahan yahay in ay u dhaga nug laadaan baaqyada is daba jooga ah ee ka soo baxaya Culimada.
Ugu dambeyntii Golaha Odayaasha Dhaqanka Goballka Hiiraan waxaa ay ugu baaqeen Odayaasha Beelaha Hawiye ee Muqdisho in ay doorkooda ka qaataan dhaq-dhaqaaqyada Nabad-raadinta ah, maadaama Colaadda iyo Dagaallada soo noq noqanaya yihiin kuwo cid kasta saameynaya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Golaha Odayaasha Dhaqanka G/Hiiraan oo taageeray hadalkii Madaxwenye Shariif Shiikh Axmed iyo dadaalka Culimada Soomaaliyeed ee Dhinaca Nabadda
Cabirka Farta
More News
- Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumaddiisa oo kormeer ku tegay Dekedda Muqdisho
- Xisbiga Kulmiye oo ku gacan-sayray hindise Komishanka Doorashooyinka Somaliland soo jeediyeen
- Taliye cusub oo maanta loo magacaabay Ciidamada daraawiishta Puntland
- Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo baaq u jeediyay Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya
- Maamullo ka taliya Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Gedo oo mamnuucay in la dhigo lagu xusayo Dhalashada Nabi Muxamed
- Hay’ad Caalami ah oo qalab Isboorti guddoonsiisay Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha fudud