
Axad, March 01, 2009(HOL): Hay’ad Caalami ah oo lagu magacaabo Life International Local Initiative For Education oo xarun ku leh Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti ayaa waxay qalab Isboorti guddoonsiisay Xirirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud.
Qalabkan oo ah labiska ciyaartoyda ayaa waxay Hay’addan ugu deeqday 30 Ciyaartoy ah oo uu Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha fudud xareeyay muddo lix bilood ah, waxaana xusid mudan in ciyaartoyda ay soo qaateen tababar muddo 3 bilood ah oo ka mid ah 6-da bilood ee la xareeyay.
Munaasabad qalabkan lagu guddoonsiinayay Ciyaartoyda oo ka dhacday Xarun lagu xareeyay Ciyaartoyda Ciyaaraha fudud oo Degmada C/Casiis ku taala ayaa waxaa ka qeybgala Wasiirka cusub ee Isboortiga Saleebaan Colaad Rooble iyo madax ka socotay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha fudud.
Wasiirka oo lagu sharfay in uu qalabka guddoonsiiyo ciyaartoyda ayaa wuxuu horay nasiib ugu yeeshay isagoo Jibouti ku sugan in Hay’adda Life International Local Initiative For Education ay qalabkaas guddoonsiiso, si uu ugu wareejiyo Ciyaartoyda ciyaaraha fudud, wuxuuna isagoo ka hadlay munaasabadda uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu mar kale qalabkii la siiyay Xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha fudud uu guddoonsiiyo Ciyaartoyda Xiriirka.

Munaasabaddii qalabkaas lagu guddoonsiinayay Ciyaartoyda waxaa kaloo ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed C/qaadir Ibraahim Gacal Abkow oo sheegay in Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha fudud uu dadaal lixaad leh muujinayo, wuxuuna ammaan u jeediyay Ciyaaryahan C/naasir Siciid Ibraahim oo kaalin fiican ka galay Tartankii Orodka Half Marathon ee dhawaan ka dhacay Dalka Jibouti, wuxuuna ka rajeeyay in tartamada dambe ee soo socda uu kaalin fiican geli doono.
C/qaadir Abkow waxaa uu sheegay in qofkii dadaalo uu gaarayo waxa uu hiigsanayo, wuxuuna carrabka ku dhuftay in haddii maanta uu C/naasir koob iyo kaalin fiican uu galay ay ka rajeynayaan in uu dadaalkiisa sii labo-laabo, isla markaana uu tartamada soo socda ka keeno guulo lagu faano oo dadka iyo dalka Soomaaliyeed wax-tar u leh.
Khadiijo Aadan Daahir oo ka mid ah Guddomiye ku xigeennada Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha fudud ayaa iyadana munaasabadda ka hadashay, waxayna ka warbixisay sida ay ku timid in ay Ciyaartoyda Ciyaaraha fudud ay xareeyaan.

Khadiijo waxay sheegtay in fikraddaas ay soo baxday markii ay ciyaartoyda ciyaaraha fudud ka qeybgaleen tartankii Olympic-kada Adduunka ee Shiinaha lagu qabtay sanadkii hore, waxayna xustay in ay fikraddaas lahaayeen Ciyaartoy Soomaaliyeed oo ciyaaraha fudud soo ahaa, sida Cabdi Bile, Jaamac Karaaciin, Maxamed Suleymaan iyo Duran Faarax oo ka mid ah Madaxda Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo tartankaas kala qeybgalay.

Sidoo kalena Ku xigeenka xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha fudud Cali Xasan Cumar ayaa isna ka hadlay munaasabadda wuxuuna mahadcelin u jeediyay hay’addii qalabka ugu deeqday oo uu xusay in ay ka rajeynayaan kaalmo kale, sidoo kalena wuxuu mahadcelin u jeediyay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud Prof. Maxamed Cali Maxamed iyo ganacsato Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay ka gacan siiyeen mashruuca lagu xareeyay ciyaartoyda.
Xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha fudud ayaa wuxuu seddex bilood ka hor xareeyay 30 ciyaartoy ah oo loo diyaarinayo in ay ka qeybgalaan tartamada heer gobol iyo heer caalami ee Soomaaliya ka qeybgalkeeda lagu casuumo.



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia