Qaramada Midoobay oo soo dhaweysay Xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke

Cabirka Farta

Ergayga sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould Abdallah
Sabti, February 21, 2009(HOL): Ergayga sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould Abdallah ayaa si weyn u soo dhaweeyay Wasiirradii uu shalay soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashdiid Cali Sharma-arke.

Ould Abdallah waxaa uu shegay in uu ku faraxsan yahay Xukuumadda cusub ee loo soo dhisay Soomaaliya, taasi oo uu xusay in ay  dhamaadka todobaadkan u guuri doonto, kuna shaqeyn doonto magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in Ra’iisal Wasaaraha uu soo doortay Xukuumad Midnimo Qaran, taasi oo ka tarjumeysa heshiiskii ay Agoosto 2008  ibouti ku gaareen Dowladdii TFG-da iyo Isbaheysigii Dib u xoreynta Soomaaliya.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould Abdallah waxaa uu tallaabo guubaabo leh ku tilmaamay in xubno ka tirsan Xukuumaddii TFG-da iyo kuwo cusub oo ka socda Isbaheysigii Dib u xoreynta Soomaaliya ay haatan ka wada mid yihiin Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya.

Dhanka kalena, Ould Abdallah waxaa uu soo dhaweeyay labo Sooro oo ilaa bishii November 2008 Soomaaliya lagu heystay, kuwaasi oo dabayaaqadii todobaadkii hore la sii daayay iyadoo aan wax dhib ah loo geysan. Sidoo kalena Ould Abdallah waxaa uu ku baaqay in iyana la siiyo oo xoriyaddooda loo soo celiyo dad kale oo Ajaaniib ah oo gudaha Soomaaliya lagu heysto.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia