Soomaaliya oo kaalinta 5aad ka gashay Tartankii Orodka Caalamiga ahaa ee Jibouti ka dhacay

Cabirka Farta

C/naasir Siciid Ibraahim oo kaalinta 5aad ka galay Tartankii Half Marathon ee Shalay Jibouti ka dhacay
Sabti, February 21, 2009(HOL): Soomaaliya ayaa kaalin fiican ka gashay tartankii Orodka Caalamiga ahaa ee shalay Jibouti ka dhacay, kaasi oo ay Soomaaliya uga qeybgaleen Seddex ciyaaryahan oo ka tirsan Ciyaartoyda Qaranka ee Ciyaaraha Fudud.

Tartankaas Orodka ah oo ay ka qeybgaleen ku dhawaan 300 oo Dal oo caalamka ka socday ayaa waxaa la ordayay 21km, waxaana Soomaaliya uga qeybgalay C/naasir Siciid Ibraahim, Maxamed Cali Maxamed iyo Maxamed Cabdulle Cabdi.

Kaalimaha ay Ciyaaryahannada Soomaaliyeed kala galeen:

C/naasir Siciid Ibraahim           Kaalinta 5aad
Maxamed Cali Maxamed        Kaalinta 11aad
Maxamed Cabdulle Cabdi       Kaalinta 14aad

Khadiija Aadan Daahir oo ka mid ah Madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud ayaa HOL u sheegtay in C/naasir Siciid Ibraahim oo ah ciyaaryahankii Soomaaliya uga qeybgalay Ciyaarihii Olympickada Adduunka ee Shiinaha lagu qabtay uu kaalin wanaagsan ka galay Tartankii International Half Marathon ee shalay Jibouti ka dhacay, waxayna sheegtay in ciyaaryahankaas la guddoonsiiyay Billad iyo Lacag aysan sheegin inta ay la eg tahay cadadkeeda.

Khadiija waxay intaas ku dartay in maalinta berri ah ay Soomaaliya ka qeybgeleyso Tartan Cross Country ah oo ka dhici doona Dalka Itoobiya, iyadoo tartankaasina ay ka qeybgelayaan Dalalka Bariga Afrika. Tartankaas ayay sheegtay Khadiija Aadan Daahir inuu Soomaaliya uga qeybgeli doono ciyaaryahan lagu magacaabo Maxamed Cali Maxamed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia