Sabti, February 21, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in Deegaanka Xawaadley oo Gobolkaas ka tirsan uu dagaal ka dhacay.
Dagaalka oo shalay bilowday ayaa wuxuu u dhaxeeyaa labo maleeshiyo oo deegaanka ah, kuwaasi oo hadana ka wada tirsan Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna dagaalkooda salka ku haya ciddii ka talin lahayd Deegaanka Xawaadley.
Dagaalkii shalay dhacay ayaa wuxuu sababay dhimashada 2 ruux iyo dhaawac intaas ka badan, iyadoo sidoo kalena uu sababay barakac baahsan oo soo gaaray dadkii Deegaankaas ku dhaqnaa.
Wararkii ugu dambeeyay ee Deegaankaas naga soo gaarayna waxay sheegayaan in ay maleeshiyooyinka labada dhinac mar kale dagaallameen, iyadoo aan weli faah-faahin rasmi ah laga heynin khasaaraha uu geystay dagaalka saaka dhacay.
Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ka socda dadaal la doonayo in xal loogu helo dagaalkaas oo u dhaxeeya maleeshiyooyin deegaanka ah oo ka wada tirsan Maxakamadaha Islaamka ee ka taliya Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia