Sabti, February 21, 2009(HOL): Dadka ku dhaqan Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ayaa waxay ka cabanayaan ciidamo ka tirsanaa Dowladdii TFG-da oo xaafado ka tirsan Degmooyinkaas lacago baad ah uga qaada goobaha ganacsiga iyo Gaadiidka Dadweynaha ee Degmooyinka ka shaqeeya.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ilaa 6 goobood oo ka tirsan Degmooyinkaas ay Ciidamadii hore ee TFG-da ay isbaarooyin lacago sharci darro ah lagu qaado dhigteen, waxayna sheegeen in Ciidamadaas ay mararka qaarkood dhac u geystaan dadka.
Guddiga Ammaanka iyo Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ayay dadka Degmooyinkaas ku dhaqan ka codsadeen in ay ka dul-qaadaan ciidamadaas oo dhibaato baaxad leh ku haya.
Guddi Ammaanka qaabilsan oo uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa wuxuu ku guuleystay in uu isbaarooyin ka qaado Degmooyin dhowr ah oo Muqdisho ku yaala iyo weliba Ex-Koontarool Afgooye oo ay taalay Isbaaro weyn oo lacago xad dhaaf ah looga qaadi jiray Gaadiidka Dadweynaha ee isaga kala goosha Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.
Dhanka kalena, Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in ay ugu baaqayaan dhalinyarada weli baaqiga ku ah isbaarooyinka in ay qaataan talooyinka loo soo jeedinayo ee ah in ay Isbaarooyinka qaadaan, haddii ay qaadan waayaanna waxaa uu sheegay in ay gacan bir ah ku qaban doonaan, ayna dadka ka hor wareejin doonaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia